Maydka Qof Rayid Ah Oo Maanta Laga Helay Deegaankii Maleeshiyaadka Liyuu Booliska Ku Xasuuqeen Dadka Shacabka Ah

Xarshin (Foore)- Tuulada Cilmi Xirsi oo ka mid ah tuulooyinka hoos tagga degmada Xarshin ee kililka Somalida Itoobiya oo doraad Maleeshiyaadka loo yaqaan Liyuu booliska ee dawlada deegaanka Somalida Itoobiya dad shacab ah ku xasuuqeen ayaa la sheegay in maanta laga helay maydka hal qof oo rayid ah.
Wararka deegaanka RamaasNews Ka heshay ayaa sheegay in Maydka ruuxan oo rag ahaa laga helay meel aan ka fogayn tuulada Cilmi Xirsi oo Maleeshiyaadka Liyuu boolisku laba maalmood ka hor qabsadeen isla-markaana dad badan oo shacab ah ku laayeen.
Maydakn ninkan oo la filayo inuu yahay dadka deegaanka Cilmi Xirsi ee dhibaatadu ka dhacday ayaa maanta la keenay tuuladaasi si loo ogaado cida uu yahay isla-markaana qoyskiisa loo hubiyo si markaasi loo maydkiisa loo asturo.
Qofkan maydkiisa la helay ayaa la filayaa inuu yahay dadkii rayidka ahaa ee Maleeshiyaadka Liyuu boolisku inta ay la kulmeen ay sida ujeedo la’aanta ah u toogteen, ka dibna ay maydkiisa isaga tageen.
Dhanka kale, xaalada amaan ee deegaanada dhibaatadu ka dhacday ayaa shalay ilaa maanta deggan, inkasta oo dadka shicibka ahi ilaa hadda ka anfariirsan yihiin dhibaatadii liyuu boolisku sida gardarada ah u gaadhsiiyeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *