BREAKING NEWS
Search

Maxkamada Sare Ee Ciidamada Somaliland Ayaa Xukun Ku Riday Rag Hore Badidooda Dil Loogu Xukumay

Hargaysa (Foore)- maxkamada sare ee ciidamada Somaliland ayaa maanta go’aan kama danbaysa ah ka gaadhay raggii hore loo xukumay, waxaa tirada raggani ay ahasyeen 22 nin , iyadoo 17 kamid ah hore loogu xukumay dil 5 ta kalena lagu xukumay xabsi da’in.
Raggan ayaa lagu soo eedeeyay in ay weerar ku qaadeen xero ciidan leeyihiin sanad ka hor.
Waxaana fadhigii ay maanta maxkamadu yeelatay lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah waana kuwii hore ay ugu xukuntay dil oo ahaa 17 nin ,
Waxaa kale oo iyana shantii soo hadhay lagu xukumay 15 sano oo xadhig ah iyadoo hore loogu xukumay shantan nin xabsi da’in.

Fadhigan manta ay maxkamadu yeelatay ayaa dhamaantood lagaga khafiifiyay xukunadii hore ugu dhacay.

Wariye: Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com
Hargaysa/somaliland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *