Maxkamada Hargaysa Oo Dib Gacantiisa Ugu Celisay Mulkiilihii Lahaa Shirkada Somaliland ID Card Publisher Company+Lifaaqii Maxkamada

Hargaysa(Foore) – Maxkamada Degmada Hargaysa ayaa u Xukunta Mulkiilihii Lahaa Shirkada Somaliland ID Card Publisher Company oo Ay dacwadu Hore ugaga Socotay Maxkamada,Kadib Markii Ay Shaqsiyaad maran Habaabiyeen iskuna shegeen in Ay iyagu leeyihiin.

Waxa maanta Si rasmi Ah loogu dhawaaqay in Ay u Xukunta Isaga oo Ahaa awalba kii Lahaa sheegtayna in Maanta Lagaa bilaabo uu u madax banaan yahay shirkadiisa oo Qaranka Somaliland wax badan ka tartay,Maxkamada Degmada Hargaisa oo Xukun ugu ansixisay Mulkiilihii lahaa Shirkada Somaliland Id Card Publisher Company oo ay hore u maydhaameen koox Is garab satay.

Maxkamada Degmada Hargaisa ayaa maalintii sabtida ay taariikhdu ahayd 11/07/2015 qaraar ka soo saartay codsi aanu u gudbinay isla markaasna dib gacantiisa ugu celisay Xaqlihii oo ah muwaadin dhalinyaro ah oo u dhashay Somaliland isla markaasna Dalka keenay fikrado casri ah kadibna Dalka ka aasaasay Shirkado kala duwan oo qayb weyn ka qaatey horumarka Dalka, sida Shirkadan oo uu Heshiis kula galay Wasaaradaha Maaliyada & Hawlaha guud oo ay shirkadu u qabato adeega Daabacaada Liisamada Casriga ah (Electronic) ee ka samaysan Lafta.

Warsaxaafadded uu manta saxaafadda siiyay Qareenka Shirkada Somalialnd ID Card publisher Company oo Nuqul ka mid Ahi soo gaadhay hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan

“Ugu horayn wuxuu u mahad celiyay Maxkamada Degmada Hargaisa oo uu sheegayt inay si cadaaladi ku dheehantahay oo sharciga waafaqsan ku baabiisay Warqadii Notayada ahayd ee babul khiyaamada loo adeegsaday isla markaana si sharciga waafaqsan ugu ansixisay Xaqlahii lahaa mulkiga Shirkada.

Markii ay koox iskaashatay ku khiyaameen hab farsamaysan oo babul khiyaamo ah oo ay ka saxeexdeen Mulkiilaha qoraal Nootaayo ah oo Nuxurkiisu ahaa Wareejin gebi ahaanba Shirkada,kadibna qoraalkii Nootayada ahaa ee laga Saxeexday mulkiilaha ay kooxdani iskaga diiwaan geliyeen Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyaga oo isku qoray lahaanshiha Shirkada 100% oo ay ku diiwaan gashadeen magac Shirkad kale oo lagu magacaabo Som oil isla markaana ka ganacsata keenista Shiidaalka oo aan wax khibrad ah u lahayn Adeegyada kala duwan ee ay Shirkada Somaliland ID Card u qabato Qaranka iyo bulshada labadaba.

Qareenka Shirkada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Saxaafada u sheegay in ay arintani ahayn mid ugub ah oo ay kooxdani yihiin caadaysteyaal falalkan oo kale hore kula kacay shirkado kale sida Xawaaladii Qaran Express oo xiligaasi ka masuul ahaa ninka ugu saraeeya kooxdan oo lagu magacaabo Cabdillahi Jaamac Muuse. Qareenku wuxuu sheegay inaan sidaas lagaga hadhi doonin oo lamarin doono Xeerka ciqaabta ee uu leeyahay Denbigani.

Akhri Lifaaqii maxkamada iyo Go’aamadii Maxkamadu Gaadhay.
11751142_1001020606596592_667431700_n11749347_1001020593263260_1529064298_n11721212_1001020706596582_2036025959_n




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *