Search

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa maalintii khamiista Qaraar fulin ah ugu xukuntay Mulkiilihii Lahaa Shirkada Somaliland ID Card Publisher Company oo Ay hore ugu xukuntay Maxkamada Degmada Hargaisa

Hargeysa(Foore) – Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa maalintii khamiista Qaraar fulin ah ugu xukuntay Mulkiilihii Lahaa Shirkada Somaliland ID Card Publisher Company oo Ay hore ugu xukuntay Maxkamada Degmada Hargaisa,Kadib Markii Ay Shaqsiyaad isbahaystay kagala wareegeen hab baabul khiyaamo ah mulkiilahan da’da yar iskuna shegeen in Ay iyagu leeyihiin.
Waxay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Si rasmi Ah ugu xukuntay in loo madaxbaneeyo loo fuliye Zakarie Nuur Cabdillahi mudo 10 maalmood gudahood ah oo ka bilaamaysa 23/07/2015.
Mulkiilaha Shirkada Somaliland Id Card Publisher ee ay Maxkamadu dib gacantiisa ugu celisay mulkigiisa ayaa ah muwaadin dhalinyaro ah oo u dhashay Somaliland isla markaasna Dalka keenay fikrado casri ah kadibna Dalka ka aasaasay Shirkado kala duwan oo qayb weyn ka qaatey horumarka Dalka, sida Shirkadan oo uu Heshiis kula galay Wasaaradaha Maaliyada & Hawlaha guud oo ay shirkadu u qabato adeega Daabacaada Liisamada Casriga ah (Electronic) ee ka samaysan Lafta.
Nuqul Qoraal ah oo uu maanta Saxaafadda siiyay Qareenka labaad ee Shirkada Somalialnd ID Card publisher Company ayaa u dhignaa sidan
“Ugu horayn wuxuu u mahad celiyay Maxkamada Degmada Hargaisa iyo Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo uu sheegay inay si cadaaladi ku dheehantahay oo sharciga waafaqsan ku baabiisay Warqadii Notayada ahayd ee babul khiyaamada loo adeegsaday isla markaana si sharciga waafaqsan ugu ansixisay Xaqlahii lahaa mulkiga Shirkadan oo mudo 4.5 ka badan ku soo tabcaayay.
Markii ay koox iskaashatay ku khiyaameen hab farsamaysan oo babul khiyaamo ah oo ay ka saxeexdeen Mulkiilaha qoraal Nootaayo ah oo Nuxurkiisu ahaa Wareejin gebi ahaanba Shirkada,kadibna qoraalkii Nootayada ahaa ee laga Saxeexday mulkiilaha ay kooxdani iskaga diiwaan geliyeen Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyaga oo isku qoray lahaanshiha Shirkada 100% oo ay ku diiwaan gashadeen magac Shirkad kale oo lagu magacaabo Som oil isla markaana ka ganacsata keenista Shiidaalka oo aan wax khibrad ah u lahayn Adeegyada kala duwan ee ay Shirkada Somaliland ID Card u qabato Qaranka iyo bulshada labadaba.
Qareenka labaad ee Shirkada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Saxaafada u sheegay in khilaafkii uu sidaas ku soo gebo geboobay oo wixii xisaabaad ah ee labada dhinac isku yeeshaan lagu dhamayn doono wada hadal iyo xisaabtan cad oo dhinac kastaa uu yeelan doono wixii uu cadaysto.
Waxa kale oo uu Qareenka labaad ka dhawaajiyay in Mulkiilaha Shirkada ee ay sharciyanin u cadaatay ayaa balan qaaday in uu dhinaca kale ee SOM OIL siin doono qarash ay ku bixiyeen si sifo sharci daro ah oo ay siiyeen ninay ehel yihiin mulkiilaha,kaas oo kaga faaiidaystay odaynimo ka dhan ahayd dhinaciisa balse anay jirin wax awood sharci ah oo uu u haystay qaadashada dhaqaalahaas iyo iibinta saamiyada Shirkada.
ay arintani ahayn mid ugub ah oo ay kooxdani yihiin caadaysteyaal falalkan oo kale hore kula kacay
Akhri Lifaaqii maxkamada iyo Go’aamadii Maxkamadu Gaadhay,

1122




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *