BREAKING NEWS
Search

Maxkamada Gobalka Hargaysa Oo Xukun Xadhig Iyo Ganaax Iskugu Jira Ku Ridday Hogaamiyihii Urur Diimeedka Xisbullah

Hargeysa (Foore) – Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta xukun iyo ganaax ku ridday Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle, kaasi oo lagu eedeeyay inuu Wasiirro xukuumadda ah ku sheegay inay ka mid yihiin urur diimeedyo xagjir ah.
Sheekhan ayaa waxaa uu furtay xiligii ururada la fasaxay urur diimaeed layidhaa XISBUllah kaas oon ka qayb galin tartankii ururada, sheikh maxamuud ayaa cidanku ka qabteen magaalada hargaysa isagoo xidhanaa muddu bil ku dhaw.

Maxkamada ayaa Sheekha ku xukuntay hal sano xadhig iyo hal million oo shilling Somaliland ah , sida uu sheegay garsooraha gacanta ku hayey kiiska sheekha loo haystay.
Kamaal Ismail Adam
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *