BREAKING NEWS
Search

Maxkamad Xukunno adag ku ridday 32 qof oo lagu helay inay Gooyeen Xadhkaha SOMCABLE

Boorama(Foore) – Maxkamadda Gobolka Awdal ee magaalada Boorama, ayaa shalay xukun adag oo isugu jira xadhig u dhexeeya 5 ilaa 10 sanno iyo ganaax lacageed ku riday 32 qof oo lagu helay inay gooyeen xadhigga isgaadhsiinta Internet-ka Cable ee

shirkadda SOMCABLE, kaas qodostiisa la marinayey deegaanka Lughaya ee Gobolka Awdal.

Dacwaddan oo ahayd mid ciqaab ah oo uu soo oogay Xeer-ilaaliayaha Gobolka Awdal Mr. Axmed Cismaan Mire, kaasoo Maxkamadda horteeda kaga oogay dambiyada loo kala haysto oo isugu jiray kuwo gacantooda ula tagay xadhigga Cable-ka iyo kuwo abaabulay oo ku dhiirrigalinayay, waxa riday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal ee Boorama Cabdiraxmaan Geeddi Barre.

Xukunkan ayaa la sheegay inay weheliyaan ganaax lacageed oo min 180,000 shillinka Somaliland ah oo la saaray 32 qof ee ay ku caddaaday inay ku kaceen falka lagu jaray xadhigga Cable-ka isgaadhsiinta.

11 ka mid ah kooxdan waxa lagu xukumay min shan sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 180,000 SLSH, halka 21 ka kalena lagu riday min 10 sanno ah, hase ahaatee waxa maxkamaddu xukunkoodaasi ka dhigtay mid dibad-joog ah kaddib markii ay ku caddaatay in ay dhiirrigeliyeen kooxda xadhigga goysay, balse aanay iyagu gacmahooda ula tegin, waxaana xukunkooda la raaciyey in hadday fal dambe kula kacaan xadhigga Cable-ka shirkadda SOMCABLE dambigiisa iyo wixii kalee ka dhaca degaankaas iyaga dusha loo saari doono.

Dacwaddan oo socotay muddo laba bilood ah waxa go’aanka lagu soo gebagabeeyey goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan shirkadda SOMCABLE.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *