Maxkamad Shiinaha Ku Taal Oo Bilowday Inay Imtixaan Ka Qaado Dadka Isfuraya ‘Divorce Exam’ Iyo Wakhtiga La Galo Imtixaankan

Furriinku ma ahan wax sahlan, haddii lammaanaha isfuraya ay yihiin Soomaali ama Shiineys, laakiin si gaar ah waxaa furriinka si gaar ah heerka maxkamadda usii adkeeyey maxkamadda Yibin People Court taasoo ku taalla Sichuan Province oo ah dalka Shiinaha. Qareenka maxkamadda Yibin People Court Wang Shiyu ayaa dhawaan maxkamadda ka hirgeliyey xeer cusub, kaasoo dhigaya inay lammaanaha isfuraya galaan imtixaanka furriinka ‘Divorce Exam’ kaasoo labadii labada lammaane haddii ay ku dhacaan imtixaankaasi uun ay is furi karaan.
Si ay lammaanahu isku furaan, waxay ku qasban yihiin inay labaduba ku dhacaan Imtixaanka furriinka, haddii ay taasi dhacdana Maxkamadda Yibin People Court ayaa aqbali doonta dhukumiintiyadooda furriinka. Qareenka Wang Shiyu ayaa wuxuu sharraxay sababta uu imtixaankan uga qaadayo lammaanaha isfuraya: “Dareenkayagu wuxuu yahay inaan ogaanno haddii uu guurkoodu markii hore qaab degdeg ah ku dhacay, iyo xujooyinkii ay labadoodu ishordhigeen guurka ka hor.
“Sidoo kale inta ay ku jiraan Imtixaankan ayaa laga yaabaa inay labadoodu iska fikiraan isla markaana ay ka laabtaan go’aankoodii hore taasi oo ay qorshe lagu badbaadin karo qoyskaasi. Durba waxaa na soo maray lammaaneyaal intii ay imtixaanka ku jiraan qalbiyadoodu isxusuusteen, kana laabtay go’aankii hore ee ay ku qaateen in ay is furaan kuwaasi oo dib gurigoodii ugu noqday iyaga oo gacmaha is haysta”.

Maxkamadda Yibin People Court ayaa sannad walba qabata kumanaan kiis oo furriin ah maadaama Shiinuhu uu yahay dalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan adduunku – Imtixaankaan waxaa ku jira su’aalo gaaban iyo bayaanno.
Waxaana ka mid ah, dookha cunnada uu qof walba xiiseeyo, xilliga dhalashada xubnaha qoyska, xilliga ay ku beegan tahay maalinta dabaaldegga guurkoodu, qaabka ay isugu tiirsan yihiin lammaane ahaan, masuuliyadda uu qof walba u hayo qoyska, waxa wanaagsan ama waxa xun ee ay u sameyso qoyska dartii, waxa uu la micno yahay guurku iyo waxa uu qoysku la micno yahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *