BREAKING NEWS
Search

Maxay Wiliam Hugue Iyo Madaxweyne Siilaanyo kaga wada hadleen kulankoodii shalay?

London (Foore)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague.

Afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la socda weftiga madaxweynaha ayaa ka soo saaray war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Ingiriiska, Mudane William Hague. Kulankaas oo lagaga wada xaajooday xoojinta xidhiidhka labada waddan, khaasatan sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay wadama caalamka.

Dawlada Ingiriisku waxay balanqaadeen inay Somaliland ka caawin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay waddamada caalamka. Wasiirka Ingiriiska waxa kulanka ku wehelinayay dhiniciisa madax sare oo ka socota Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska. Wasiirku wuxu ugu Mahad-naqay Somaliland ka qayb galka Shirka maanta dhici doona.

Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Ahmed Maxamed Silaanyo, wuxu dhankiisa uga xog waramay xaalada Somaliland halka ay maanta marayso iyo in Somaliland Ingiriiska uga fadhido taageero dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, taasoo kor u qaadaya qadiyada Somaliland, Madaxwaynuhu wuxu uga mahad celiyay dawlada Ingiriiska casuumada ay u fidisay inay Somaliland shirka ka soo qayb gasho. Madaxwaynaha waxa kulankaa ku weheliyay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada.

Kulankanu wuxu ku dhamaaday is afgarad iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka laba Waddan ka dhexeeya dhinaca Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamka.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *