Search

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Cusub Iyo Golaha Dhaqanka Beelaha Garxajis Oo Kulan Saacado Badan Qaatay Shalay Albaabada La Isku Soo Xidhay

Hargeysa, Dec 7, 2017 (Foore)- Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ee aan wali la dhaarin Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin Gurigiisa kula yeeshay Shalay Salaadiinta beelaha Garxajis ee Somaliland,Waxaana kulankaasi oo qaatay saacado badan sida la sheegay lagaga wada hadlay arimo door ah oo ku saabsan dhinaca siyaasada gaar ahaan saamiga Beelahaasi kuyeelanayaan Xukuumadda Cusub ee uu Soo dhisayo Madaxweynaha Cusubi iyo arimo kale oo xasaasi ah.
Illo-Wareedyo Wargeyska Foore ka helay Kulankaasi oo ka dhacay Guriga Muuse Biixi ayaa daaha ka fayday in Kulankaasi uu markii hore dhex maray oo qudha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Garxajis islamarkaana wakhti badan albaabka qol hoosta la iskaga soo xidhay,balse markii dambe uu goobta yimid Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,markaasi oo si balaadhan araar iyo doodo iyo kaftan la isku waydaarsaday ugu dambayntiina la iska dhagaystay talooyin iyo tusaalooyin ay Madaxweynaha la doortay u jeediyeen Madaxdii Dhaqanka Garxajis iyo Ganacsatadii Kulankaasi ka soo qayb gashay.warar kale ayaa sheegaya inuu Kulanka gaar ah ka qayb galay Madaxweyne ku Xigeenku,islamarkaana uu goob joog ka ahaa wixii la isyidhi iyo wixii la iskugu jawaabay.
Wararka Shalay markii uu Kulankaasi soo idlaaday Suuqa Siyaasada Soo galay oo Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay in Oday Dhaqameedka Beelaha Garxajis oo ay hogaaminayeen Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ay shirka gaarka ah ee ay Madaxweynaha la doortay shalay la galeen ay si gaar ah uga wada hadleen arimo badan,waxa ay wararku sheegayaan inay Odayaashaasi ka dalbadeen Inuu golaha Xukuumadiisa ku soo daro Siyaasiyiin caan ah oo aad uga dhex muuqday Xisbigii laga badelay ee WADDANI,Waxa ay wararku tibaaxeen in ragga ay oday dhaqameedkaasi u soo jeediyeen islamarkaana ay farta ugu fiiqeen inuu saamiga beeshaasi uu siinayo iyo shaqsiyaada uu xilalka u dhiibayo uu safka hore kaga daro Maxamed Cismaan Fadal oo ah nin aqoon yahan ah, waxaana la sheegayaa inay sidoo kale kala hadleen Arimo ku saabsan dhinaca saraakiisha Ciidamada oo ay sheegeen inay Beeshoodu ku yar yihiin oo ay aad u saluugsan yihiin. Xogahan ayaa intaasi ku daray in Odayaashaasi la doonayaan in masuulkaasi loo magacaabo Boos mihiim ah iyadoo la sheegayo inay si gaar ah u doonayaan Wasaaradda Maaliyadda in ninkaasi loo dhiibo.
Inkasta oo kulankaasi u ekaa mid wax badan la iskula afgartay,islamarkaana aad loo adkeeyay inay wax xog ahi dibada uga soo baxdo,haddana Wararkan ayaa intaasi ku daray inaanu Madaxweyne Muuse Biixi si cad ugu balan qaadin Arimahaasi kor ku xusan inuu fulinayo balse uu balan qaaday oo qudha inuu dabooli doono wax kasta oo ay Beeshu ka tirsanayso dhinaca Saamiga dawladnimada, islamarkaana uu simidoono dhamaan Beelaha Reer Somaliland,oo uu sisiman wax ugu qaybin doono dhinaca Awooda iyo saamiga Dawlada.
Xogaha kulankaasi ku saabsan ee Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxaya in kulankaasi sidoo kale la iskula jeex jeexay Shirka Beelaha Garxajis ku qabsananayaan Magaaladda Ceerigaabo,waxaanay wararku sheegayaan inay Madaxda Beelaha Garxajis ee kulankaasi ku dhamaa ay balan ku qaadeen inay diyaar u yihiin inay gaashaan bir ah u noqdaan Madaxweynaha la doortay islamarkaana ay kala shaqaynayaan sidii loo sii xoojin lahaa amniga Dalka islamarkaana loola wada dagaalami lahaa wax kasta oo Qaranimada Somaliland wax u dhimaya.
Dhinaca kale War-saxaafadeed xisbiga KULMIYE kulankan ka soo saaray ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid hambalyo duco ahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *