Maxamed Kaahin Oo Ka War Bixiyay Ujeedada Safarkooga Shiinuhu Salka Ku Hayo

Beijing (Foore)- Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbaahinta u sheegay sababta waftiga uu ka mid yahay ee uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mj: Muuse Biixi Cabdi ay safarka ugu joogaan wadanka Shiinaha. “Somaliland ma doonayso inay Dawladda Shiinaha la samaysato Cilaaqaad xagga Millateriga ah,”sidaasi waxa yidhi Afhayeenka xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo ka waramay kulan weftigii Guddoomiyaha KULMIYE ay dalka Shiinaha kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda difaaca dalkaasi.

“Waxaannu meesha u nimi waxa weeye sida Dunida hore martay sida Shiinaha oo kale oo waxaannu doonaynaa inaannu kobcinno cilaaqaadkeena siyaasadeed. Anagu (Weftiga) taas ayaanu u nimid,”ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin Axmed oo u waramayay TV-ga madaxa banaan ee Horn Cable TV.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay inay isla faaqideen masuuliyiintii uu la kulmay sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeedda, waxaanu yidhi “Wasaarada Gashaandhigga ee Shiinaha ayaannu la kulanay oo waxaanu ka wada hadalnay dhibaatada Budhcadbadeedda gaar ahaan dhinaca Somaliland.”

“Waxa in badan dalkeena lagu qab qabtay Budhcad badeed iyaga oo biyaheena soo galay,”ayuu tilmaamay Maxamed Kaahin

. Afhayeenku wuxuu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Shiinaha waxaanu tilmaamay in weftigoogu ay socdaal ku tagi doonaan gobolka ay Jaaliyada Somaliland ku badan yihiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *