BREAKING NEWS
Search

Maxaan Xamar Ka Qabtaa Wadanka Waxa Madax Ka Noqonaya Daarood Iyo Hawiye Oo Kaliya, Anigu Waxaan Ka Imid Gabiley Oo 30km U Jirta Hargeysa, Hadii Sidaa La Hadlayo Waa Inaan Hargeysa Tagaa”Prof. Axmed Ismaaciil Samater

Seatle (Foore) – Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Somaliland ee aaminsan Mabda’a Somali-weyn, ayaa bilaabay olole uu doonayo in lagu cidhib tiro qabyaalada, kaas oo markii labaad qiray inaanay Muqdisho wax u oolin, taas oo uu u cuskaday aragti uu ku sheegay inay Soomaalidu aamisan yihiin oo ah in Siyaasiyiinta Madaxda ka noqonaya dawladda Somalia ay ka soo jeedaa beelaha Hawiye iyo Daarood oo aan cid kale wax loo ogolayn.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ka hadlayey kulanka ka dhacay Magaalada Seatle ee dalka Maraykanka, ayaa soo bandhigay aragtida uu ka qabbo hanaanka ay ku dhisan tahay dawladda loo dhisay Somalia iyo mushaakilaadka qarsoon ee ku salaysan qabyaalada, kaas oo sheegay inuu Magaalada Muqdisho ku soo arkay dad gashan shaadh Somali-weyn, balse wata dano qabiileed oo si gaar ah isugu addeegta.

Axmed Ismaaciil, waxa uu si gaar ah u sharaxay sababta uu Xamar uga yimid iyo waxa ku kalifay inuu arintan ka hadlo isaga oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu Xamar waxaan ku soo arkay calankii oo la sito, oo haddana la leeyahay waddanka waxa madax ka noqon kara uun ama qof Daarood ah ama qof Hawiye ah, inta kalena waa derajada labaad, anigu waxaan ka imid Gabiley oo 30KM u jirta Hargeysa, haddii sidaa loo hadlayo maxaan ka qabtaa Xamar, waa inaan markaa Hargeysa tagaa, waxaan Xamar ku soo arkay Daarood iyo Hawiye oo dhana ka tartamaya dhana ka leh haddii aan tan helo adiguna tan kale ayaad leedahay, inta kalena Somali weyn ayay u sacab tumayaan, taasi ma soconayso, anigu kama hadlayo shacabka Daarood iyo Hawiye oo iyaguba dhibaatada biyo la’aanta iyo faqriga la qabba Somalida, laakiin waxaan ka hadlayaa dadka siyaasada shaqada ka dhigtay”. Prof. Samater isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Aniga arintaasi waxay ii tahay ajande cusub oo ah inaan olole ka galo (Cidhib-tirkeeda)”.

Kamaal Ismail Adan
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *