Maxaad Kala Socotaa Qisadii Jacayl Ee Ku Dhacday Fannaanadda Caanka Ah Ee Binti Cumar Gacal? – Q:2aad

Fannaaniintii joogay habeenkaasi waxa ka mid ahaa Ilaahay ha u naxariistee Fanaanaddii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Cumar Magool, Khadiija Cabdilaahi Dalays, Saynab Xaaji Cali Baxsan, Faadumo Cabdilaahi Kaahin Maandeeq, waxaa joogtay oo kale Faadumo Cali Jaamac Nakruuma, aduu fannaaniin iga waaweyn oo qaddarin innagu leh oo caan ah ayaa joogtay oo arooska lagu soo casuumay. Waxa aan kale oo aan xasuustay Xareedo Ismaaciil Duniya, wiilasha waxaan ka xasuustaa Xasan Aadan Samatar. Ilaahay ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Yuusuf Cabdi, markaa aniguna fanka ayaan soo galay oo way adag tahay in aan fannaaniintaasi masraxa uga horreeyo. Ninka ii yimid ee aan idin lahaa waxa uu iiga dhigan yahay waa sida aabahay oo kale waxa uu ahaa Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise Singub. Waxa uu iiga dhigan yahay aabbahay oo kale. Fanka aadbuu iigu soo dhaweeyey oo ii soo gacan qabtay aniga. Markii uu ii yimid aniga oo gacanta iyo madaxa isa saaray oo werwersan ee aan anna u sheegay waxa aan ka walaacsanahay ayuu igu yidhi Bintiyeey taasi dhib ma laha aniga ayaa xallinaya. Waxa uu igu yidhi iyaga oo intaasiba jooga oo fannaaniin kaa waaweyn ahi ayaad adigu ku horraynaysaa masraxa arooska ee ha werwerin. Waxa uu degdeg iigu sameeyey midho hees arooska ku saabsan oo lagu qaadayay ama la saaray laxankii Laylaay Laylaay, Laymuuneey Caawaa Laygu dheer yahay. Waan yaabay sidee ayay ku dhacaysaa baan idhi. Anigu aadbaan u yaabay. Waxa uu dhammaan fannaaniintii iyo hawl-wadeenadii arooska ku wargeliyey oo uu yidhi Binti waxa ay arooska ku furaysaa oo ay ka qaadaysaa laba heesood oo arooska ku saabsan. Markaa sidaa daraadeed iyada oo Binti ah ayaa furaysa xafladda arooska. Aadbaan u farxay oo cajiib ayay ila noqotay. Masraxii Arooska ayaan galay habeenimadii. Waxa markaasi cusbaa oo la igu bartay heeskii Midhihiisa ay ka mid ahaayeen ‘Haddaan Bogsadoon Ka Raysto, Sidaan Uga Booday Caashaq’”.
Fannaanad Binti Cumar Gacal oo innooga sii waramaysa qisadaasi waxa ay tidhi: “Waxa aan qaaday heeskii arooska ku saabsanaa ee degdegga uu Singub iigu sameeyey iyo heeskii aan ku caan baxay ee wakhtigaasi aadka loo jeclaa ee haddaan bogsadoon ka raysto. Si degdeg ah ayaan labadaasi heesood u qaaday oo aan arooska ku furay kadibna si degdeg ah ayaan uga soo baxay arooskii illayn waxa aad og tahay in aan meel ku ordayo oo aan ballan lahaaye. Waxa aan markiiba soo baxay Siddeedii oo Labaatn Daqiiqo dhiman ayaan markiiba soo baxay. Ballantayda aan la lahaa ninkii aan jeclaa waxa ay ahayd 8-da oo buuro ah. Markaa waxa aad garanaysaa sida aan wakhti wanaagsan u haysto oo aan ugu tagi karo iyada oo ay wakhtigii taagan tahay. Sidii ayaan ku ambabaxay aniga oo aad u xiisaynaya la kulankaygii ninkii aan is jeclayn ee aan la ballansanaa. Gaadhibaa arooska la iga sii siiyay oo aan ku tagay. Nasiib darro waa ta dambaysee!!, markii aan tagay gurigii aan kula ballansanaa ninkii waxa aan u tagay isaga oo naag kale la jooga. Aaaah!!, waa ninkii aan caawoo dhan u soo ordayay ee aad ogayd sida aan xataa arooska ilaahay iigu soo dhib yareeyey ee aan dartii waxasoo hawl ah u soo galay ayaan aayar u soo galay isaga oo naag kale isla jooga. Albaabkii ayaan garaacay waa la iga furay. Waa gurigooda ayaan kula ballansanaa. Mise waxaan dareemay in ay wax jiraan. Dadkii daaradda fadhiyey ee buuxay ayaan hore u soo dhaafay mise waa la is wada eeg eegay. Mar kali ah ayuunbay dadkii daaradda guriga fadhiyey wada kaceen oo faaruqiyeen daaraddii markii ay ka war heleen in aan aniga ahay qofkan guriga soo galay. Shaki baa I galay!. Waxaan gartay in wax jiraan oo ay wax qaldan yihiin. dadkii markii aan soo galayay albaabka wada joogay daaradda ayaan eegay mise qofka imika ma joogo qolalkaa la kala galay qaarna dibadda ayay isaga baxeen. Kadib waxaan damcay in aan usii gudbo qolka uu ku jiray ninkii aan la ballansanaa. Waxa markaasi albaabka ku gargaraacaysa gabadh yar oo eeddadii dhashay. Isaga oo qaylinaya ayuu soo booday naa maad naga daysid ayuu intaasi leeyahay oo waxa uu dhibsanayaa gabadha yar ee albaabka ku soo garaacaysa. Mise albaabkii buu fakh ka soo siiyey oo furay. Mise insha ayuu igu dhuftay. Mar alla markii uu wajigayga arkay ayuu farta isaga oo qaniinaya hoos u foorarsaday oo yidhi: “Ma Adigiibaa?”..
….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *