Maxaad Ka Taqaan Qisada Heesta ‘Ma Hayoo Mana Sugaayoo Iimana Maqnee’ Ee Xasan Aadan Qaado? – Qalinka: Cumar Seerbiya

Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo bahda fanku ula baxday magaca dhakhtarkii Jacaylka ayaa jacayl darran oo marxalado kala duwan soo maray u qaaday Fanaanadda Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal.
Abwaan Kaariye inuu jeclaa Shankaroon shaki kuma jirin oo waxay ahayd sheeko kooxaha fanka iyo dadkii ka ag-dhawaaba ay aad uga dharagsanaayeen suugaantiisana ka dhex muuqatay iyaduse inaysan jeclayn ayey u badnayd siday sheegayaan dadkii la saaxiibka ahaa ee qisada Abwaanka iyo Fanaanaddana ka war hayay. Dedaal badan ka dib Abwaan Maxamed Cali kaariye iyo Shankaroon ayaa sannadkii 1972-kii ku ballamay inay isguursadaan isaga oo arrintaasi ay u noqonaysay naruuro iyo guul weyn oo noloshiisa saamayn weyn ku yeelan doonta ayaa war kale oo aan ka farxin isaga uu dhacay.
Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa loo sheegay in subaxnimadii maalinkaasi ay Shankaroon u dhooftay dalka Sucuudiga halkaasi oo lagu guursanayo. Galabnimadii ayaa arrintan loo wada fadhiistay, waxaana wada tashi galay dad dhibta jacayl ee Abwaan Maxamed Cali Kaariye ka haysata aad uga war hayey oo uu ka mid ahaa, Xasan Diiriye Faarax, Xasan Aadan Samatar, Xuseen Aw-faarax Dubad, iyo mulaxamiste Xasan Sabriye Xasan Gareed goobtuna waxay ahayd guriga Maxamed Cali Kaariye ee Magaalada Muqdisho.
Arrintii ayaa la fallanqeeyey oo qofba wuxuu sheegay tallaabo uu u malaynayey inay haboontahay in la qaado. Cabbaar ka dib ayuu Abwaan Maxamed Cali Kaariye xamaamka/musqusha guriga galay isaga oo markaasi u sheegay asxaabtiisa kale inuu soo qubaysanayo /maydhanayo. Markii uu soo baxay isaga oo ku labisan macawis iyo garan midabkiisu cadyahay madaxiisa oo timo kor u taagan lahaana qoyaan ka muuqdo ayuu soo istaagay meel albaab ah oo ku aadan halkii la fadhiyey.

Abwaan Xuseen Aw-faarax ayuu ahaa qofkii u horreeyey ee arkay Maxamed inuu soo laabtay ,intii uu maqnaa waxa madasha ku soo biirtay Fannaanadda Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise, Xuseen ayaa Xasan Gareed oo agfadhiyey hadal dhegta ugu sheegay waxaanu ku yidhi” ninkii Maxamed shucuurtiisa waxbaa ku soo kordhay oo ninku xaalkiisii wuuba ka sii daray”.
Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo aan hadlin ayaa soo fadhiistay meeshii, cabbaar ka dib iyada oo sheeko kale ay bilaabeen bahdii fanka ee fadhiday ayuu kor u hadlay waxaanu si gaar ah uga codsaday labada Xasan ee Gareed iyo Samatar in erayo ku soo dhacay maskaxdiisa intii gudaha guriga ka soo laabtay ka dib uu ka codsanaayo inay hees ka dhigaan oo Xasan Gareed laxameeyo Xasan Aadan-na qaado ,waxaanu halkii ka akhriyey erayada heesta “Kuwa loogu magac daray muuqa aan la kala garan caku muhashadoodiyo heesaha macaaniyo muusiga iyo codkaa i dilay” oo uu markaasi ula jeedo in Maryan Mursal oo aanu markii hore goobta ku ogayn oo ula eekaatay Shankaroon Axmed Sagal oo iyada sheekadeeda goobta lagu hayey markii uu ka tagay waxaanu ku sii daray erayadan “Ma hayoo mana sugaayoo iimana maqnee Maareeyoo sideebuu Cishqigu Maskaxdiyo Qalbiga Uma Maydhmayaa” oo iyana uu uga jeedo inuusan rajo ka qabin inuu Shankaroon dib u helo.
Heestii halkii ayaa lagu laxameeyey Samatar-na uu ku qaaday waxaana lagu tumay Kaban/cuud Fannaan Xasan Diiriye lahaa oo goobta yaallay.
Abwaan Xuseen Aw-faarax oo Abwaan kaariye xaaladdiisa aad ula socday ayaa isna goobtii ka sheegay inuu hayo erayo ka tarjumaya wajigan cusub ee fadhigu yeeshay , waxaanu goobtii ka tiriyey erayada heesta “Leebkii Jacaylkoo lalayaa i haleeloo” Xasan Gareed ayaa goobtii iyana ku laxameeyey Maryan Mursal ayaana halkii ku qaadday.
Wixii markaasi ka dambeeyey fadhiga labadan heesood ayaa lagu soo cel-ceshanaayey qaadistooda iyo dhagaysigoodaba. Qisada heestan Xasan Aadan qaado dadku waxay ku sheegeen in ay ku saabsanayd tartan faneed ay labada Ilma Mooge ee Axmed iyo Maxamed iyo Xasan Aadan wada galeen oo Xasan Aadan lagaga guulaystay balse maaha sidaasi ee qisadu waa sidan kor ku xusan.
Qalinka: Cumar Seerbiya




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *