BREAKING NEWS
Search

Maxaad Ka Taqaan Koofiyadda Yar Ee Yuhuuddu Dul Dhigaan Qayb Madaxooda Ka Mid Ah, Dhaqan Mise Cibaado?

Dadka Yuhuudda ahi waxa ay caan ku yihiin in ay cibaado ahaan u xidhaan Koofiyad yar oo aan madaxooda si dhammays tiran u wada gaadhin oo ay ku xidhaan qayb madaxa ka mid ah gaar ahan xagga dambe ee kodhida sare, inkasta oo ay sidoo kale jirto koofiyad madaw oo weyn oo ay isla Yuhuudda xag-jirka ahi iyana xidhaan. Dad badan ayaa is waydiiya taariikh ahaan halka ay koofiyaddaasi ka soo jeeddo, ujeedada ay u xidhaan Yuhuuddu koofiyaddaasi iyo waxa ay kaga duwan tahay koofiyadaha muuqaal ahaan u eg ee ay xidhaan dadka muslimiinta ahi. Xidhashada koofiyaddan waxa inta badan caan ku ah Yuhuudda xag-jirka ah ama diintooda ku adag waxaanay leedahay dhawr nooc. Mid ka mid ahi waa koofiyad yar oo dun ka samaysan oo aad ugu dhaw koofiyadda ay Muslimiintu xidhaan inkasta oo ay ka yar tahay baaxad ahaan, midda kalena waa mid weyn oo madaw oo madaxa oo dhan daboosha lehna qayb wareegsan iyo kodhida sare oo kor u baxsan, taasina waa ta ay xidhaan Yuhuudda xag-jirka ha ama aadka u fogaaday waana kuwa dhinacyada timaha ka soo rida ee la baxa.
Nooca Hore haddii aan soo qaadano ee ah Koofiyadda yar ee qayb madaxa ka mid ah oo kodhida sare ah ay saaraan waxa lagu magacaabaa “Kibah” ama “Kibah”, waana Koofiyad ay xidhaan sida qaalibka ah Yuhuudda Xag Jirka ahi waana koofiyadda ay aadka u xidhaan marka ay ku cibaadaysanayaan Gidaarka Yuhuuddu ku cibaadaysato, isla markaana ah koofiyad ay xidhaan munaasibadaha diiniga ah ee Yuhuudda.
…La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *