Search

Maxaad Ka Taqaan 12-ka Hogaamiye Ee Dawladaha Quwadda Weyn Ee Adduunka Ugu Mushaharka Badan?

Maxaad Ka Taqaan 12-ka Hogaamiye Ee Dawladaha Quwadda Weyn Ee Adduunka Ugu Mushaharka Badan?
Iyada oo uu is badbadalo sannad walba liiska Madaxweynayaasha adduunku sida ay u kala mushahar badan yihiin waxa aan qormadan kooban ku soo qaadan doonaa 12-ka Hogaamiye ee wakhtigan ugu mushaharka badan dalalka adduunka, marka laga hadlayo Mushaharka sharciga ah ee dawladaha ay maamulaan uga qoran ee sharcigoodu dhigayo. Wargeyska New York Times oo arrinkan wax ka qoray waxa uu tilaamaamayaa 12 hogaamiye oo wakhtigan ka mid ah madaxda caalamka oo noqday kuwa ugu Mushahar badan madaxda caalamka. Iyada oo wargeysku sheegayo in qiimayntani ku xidhan tahay Mushaharka rasmiga ah ee ay qaataan iyada oo aan la xisaabinayn lacagaha xad dhaafka ah ee madax badan oo adduunka ahi iska qaataan oo dalalkooda ka qaataan. 12-ka hogaamiye ee madaxda adduunka ugu mushahar badan waxa hogaaminaya Madaxweynaha Maraykanka oo sanadkii u xaadira ama qaata mushahar dhan 400,000 oo dollar, waxaana ugu hooseeya Madaxweynaha Shiinaha oo sannadkii oo dhan qaata 22-kun oo dollar. Waxa kaalinta labaad ku jira ra’iisal wasaaraha wadanka Kanada Stephen Harper oo sannadkii qaata 260,000 oo dollar, halka ay kaalinta saddexaad ku jirto Haweenayda Jarmalka hogaamisa ee Angela Merkel oo sannadkii qaadata lacag dhan 234,400 oo kun oo dolar. 12-ka hohaamiye waxa ay u kala horreeyaan sidan:
1. Barrack Obama (USA) – $400,000
2. Stephen Harper (Canada)- $260,000
3. Angela Merkel (Germany)- $234,400
4. Jacob Zuma (South Africa)- $223,500
5. David Cameroon (United Kingdom)- $214,8000
6. Shinzo Abe (Japan)- $202,700
7. Francois Hollande (France)- $194,300
8. Vladamir Putin (Russia)- $136,000
9. Matteo Renzi (Italy)- $124,600
10. Dilma Rousseff (Brazil)- $120,000
11. Narendra Modi (India)- $30,300
12. Xi Jinping (China)- $22,000 oo kaliya sannadkii




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *