Search

Maxaa Sabab U Ah In Wariyayaashu Ka Hayaamaan Tv-Ga Universal

Hargaysa (Foore)- Qaar ka mid ah wariyayaashii ugu muhiimsanaa tv-ga Universal ayaa isaga tagay shaqadii ay halkaa ka hayeen iyadoo qaarkood ay si toos ah ugu biireen telefishino kale, qaarna aaney weli cadeyn halka ay ka howlgeli doonaan.

Aamino Muuse Weheliye ayaa si toos ah u shaacisay inay isaga tagtay telefishinka Universal waxaana ay sheegtay in ay ku biirtay Horn cable tv. Dhinaca kalena dhowr ayaa mood ka hor waxaa isna ku dhawaaqay ka tegistiisa telefishinka universal Ridwaan Xaaji Cabdi weli oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan shaqaalaha ,ahaana tifaftiraha wararka.

Cabdulqaadir Maxamed Cashir (Nadaara) ayaa isna isaga tagay telefishinkaas isagoo ku biiray tv cusub oo la furay dhowaan lana yiraahdo Kalsan, Ma jiraan warar rasmi ah oo ku
saabsan sababta ay wariyayaashu isaga yaaceen Universal waxaana intooda badan markii ay ka tegistooda ka hadlayeen ay ku gaabsadeen inuu yahay go’aan ay gaareen,
waxaa hore u dhacday in mulkiilaha tv ga universal inta uu soo fadhiisto shaashada tv ga oo uu daawadayasha u sheego in uu ka caydhiyay qaar kamid ah shaqaalaha tv ga , iyadoo anshaxa saxaafada ay ka reeban tahay arintaa uu ku kacay mulkiilahaasi ayna sabab u noqotay in qaar badan iskaga yaacaan inta aan laga cydhin tv-ga kana hawl galaan meesha ay is leeyihiin way idiin dhaantaa.
Waxa kale oo iyana la xusuustaa in Cowke iyo Bishaaro Baandhe uu iyana u ceyriyey dacwad ka timid dowladda Jabuuti.

Kamaal Ismail Adan
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *