Maxaa Keenay In Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Ku Tiraabo Muddo Kordhin M/Siilaanyo Loo Sameeyo Wakhti Xisbigiisu Isu Diyaarinayo Tartankii Doorashada

Hargeysa (Foore)- Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan oo ka mid ah xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ee jacaylka Madaxtooyadu madax maray ayaa si layaab leh ugu tiraabay in aanu dalku doorasho u baahnayn ee muddo kordhin dheeraad ah loo sameeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo waliba sheegay in uu Golaha Guurtida ka codsanayo in ay Madaxweynaha u kordhiyaan muddo kordhin laba sanadood ah isaga oo xildhibaanku dooddiisan layaabka leh ku sababeeyey laba arrimood oo uu ku kala sheegay Abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo waxqabadka Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mid aad u ballaadhan oo u baahan in uu xilka sii hayo.
Xidlhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah xildhibaanada Muxaafidka ah ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaabinta kula hadlay caasimadda Hargeysa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Sidaad la socotaan waxa abaaro aad iyo aad u ba’ani ka jiraan Gobolada Bariga ee Somaliland sidaa darteed wax doorasho ah oo la qaban karaa ma jiro ayaan leeyahay, waxaan leeyahay dadweynaha reer Somaliland ee abaaruhu hayaan waa in la caawiyaa. Waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halloo kordhiyo sababtuna waxa weeyi wax qabadkiisu waxa weeyi dalka ayuu si fiican wax uga qabtay abaaro badanina way jiraan sidaa daraadeed doorasho ma dhici karto. Golaha Guurtida waxaan farriin ugu dirayaa in ay Madaxweynaha u kordhiyaan muddo laba sanadood ah. Si uu dalku wanaag iyo qurux u yeesho”.
Hadalka Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa ku soo beegmaya wakhti xisbiga Muxaafidka ah ee uu ku abtirsadaa isu diyaarinayo doorasho dalka ka qabsoonta halka Madaxweyne Siilaanyo wakhtiyo hore dhawr jeer shaaca ka qaaday in ay xukuumaddiisa ka go’an tahay in ay dalka ka qaban qaabiso doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta balse lama oga halka weedhaha xildhibaankani ay salka ku hayso isaga oo markii koowaad aan ahayn ee uu ka hadlo balse mar horena warbaahinta ka sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne Siilaanyo muddo laba sanadood ah loo kordhiyo.
Xaaladda Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan kahadlay ayaa u muuqata mid layaab leh marka laga hadlayo siyaasadda xisbigiisa ee ku aaddan doorashooyinka iyo qaabka xildhibaankani hadalka u dhigay oo u muuqdo kuwo kaaf iyo kala dheeri ah lana ogayn in xisbiga KULMIYE la qabo iyo in kale taaso muujinaysa is garab yaaca xildhibaanada muxaafidka ah oo wakhtiyada qaar ku tiraaba hadallo aanay la qabin hogaanka xisbiga ay ku ab tirsadaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *