BREAKING NEWS
Search

Maxaa Kala Qabsaday Boqor Buur Madaw Iyo Cabdiweli Gaas, Muxuuse Madaxweynaha Maamulka Puntland Ka Aaminsan Yahay Nabadoonimada Madaxweyne Muuse Biixi

Carmo, April 16, 2018- (Foore)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa farriimo isugu jawaabay xaflad ballaadhan oo shalay ka qabsoontay Tuulada Carmo oo ku taalla Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo ay ka dhacaysay xaflad ballaadhan oo lagu caleemo saarayay Madax-dhaqameed deegaankaasi ka tirsan oo lagu magacaabo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ah Beel-daajaha Beesha Cali Saleebaan.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo lagu yaqaano marka maxfalo noocan oo kale ah ka hadlayo in uu isku qaado xaalado siyaasadeed o oculus ayaa waxa uu shalay madasha caleemo saarkaasi oo ay fadhiyeen ku dhawaad 3000 oo qof oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kux igeenka Puntland iyo dad badan oo kale waxa uu ka sheegay in uu nabad ka sido Somaliland isaga oo sheegay in Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland la kala qaado oo ka madax dhaqameed ahaan arrinkaasi kala shaqayn doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, balse hadalka Boqor Cismaan Buur Madaw waxa ka daba qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in uu isagu nabad diyaar u yahay haddii Buur madaw Madaxweyne Muuse Biixi ka keenayo oo uu damaanad ka soo qaadayo arrinkaasi oo aad uga qosliyey dadkii madasha fadhiyey oo isku daray sacab iyo sawaxan.
Ugu Horrayn Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo xafladda caleemo saarkaasi ku wehelinayay shan madax dhaqameed oo Somaliland ka tagay ayaa madasha hadalo kooban laga siiyay waxaanu yidhi: “Waxaanu Rajaynaynaa Madaxweyne Muuse Biixi oo cusub inaanu xukuumaddiisa ku bilcamin colaad ayaanu rajaynayaa. Dhinaca kale, Cabdiweli oo madaxweynaha umaddan (Puntland) ah waxaanu rajaynaynaa inuu hadduu soo noqdana Nabadgelyo ka shaqeeyo oo madaxweyne nabadeed noqdo haddii kalena madaxweyne nabadeed kaga tago. Labadubana ay wanaag innoo horseedaan. Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa ciidamada in la kala qaado. Maanta uma baahnin ciidamo is hor fadhiya sabab ay isu hor fadhiyaana ma jirto ciidamada in la kala celiyo ayaanu soo jeedinaynaa oo la kala qaado”.

Intaa kadib, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo daba socday hadalkii Booqr Buur Madaw ayaa isna si dareen leh waxa uu u yidhi: “Boqor Buur Madaw, Saaxiibkay waxaan leeyahay Dhambaalkaagii xambaarsanaa Nabadda waa soo dhawaynaynaa Madaxweyne ahaan. Puntland waligeed waxa ay ka shaqaynaysay nabad waase hadduu kaa qaato Muuse Biixi”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland isaga oo muujiyey in aanu Madaxweyne Muuse Biixi hadalka Buur Madaw waxbadan ka qaadan doonin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *