BREAKING NEWS
Search

Maxaa Kala Heysta Maanta Kooxaha Chelsea & Manchester United? Jose Mourinho Oo Ka Hor Imanaya Kooxdii Caydhisay 10 Bilood Ka Hor

Maxaa Kala Heysta Maanta Kooxaha Blues & Red Devils? Jose Mourinho Oo Ka Hor Imanaya Kooxdii Caydhisay 10 Bilood Ka Hor
images
Sannadii 2004, Chelsea v Manchester United waxa ay aheyd kulankii ugu horeysay ee Jose Mourinho ee kubada cagta Ingariiska.
Intii uu Mourinho joogay galbeedka London, waxaa soo martay watiyadiisii ugu fiicnaa iyo kuwii ugu xumaa. Labo jeer ayuu kooxda tababare ka noqday, waxa uu ku guuleystay todobo koob oo waa weyn, waxaana la ceyriyay labo jeer.

Waxaa jiray ciyaartoy jeclaa isaga iyo kuwa ay isku dhaceen, Ka dib markii sida xun loo ceyriyay 10 bilood ka hor, taageerayaasha Chelsea waxa ay ku ooriyeen ciyaartoydii ay aamineen inay sabab u ahaayeen ceyrintiisa, qaar badan oo ciyaartoydaas ka mid ahna weli kooxda waa ay joogaan.

Inuu garaaco Mourinho ayaa malaha ah wadada kaliya ee uu tababare Antonio Conte ku caawin karo taageerayaashaas inay iska ilaawaan tababaraha reer Portugal.

Mourinho isaga laftiisa shaqo adag ayaa u taala, wuxuu ku laabanayaa garoonkiisii hore, waxaana uu wataa Manchester United oo aan kulan Premier League ah ku badinin Stamford Bridge tan iyo October 2012.
Maxaa Ku Cusub Kulanka
Kooxda Chelsea ayaa sheegtay in kabtan John Terry uu si buuxda uga soo kabsaday dhaawacii canqowga laakiin waxaa la sugayaa in la arko haddii uu ku soo bilaabanayo isagoo kursiga keydka fadhiyay kulankii isbuucii hore.

Willian iyo Oscar ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib fasax la siiyay laakiin Cesc Fabregas iyo Branislav Ivanovic ayaa mar kale ku maqan dhaawacyo muruqa ah.

Manchester United ayaa qiimeyn doonta xaalada Chris Smalling kaasoo dhaawac muruqa ah ku baxay kulankii Fenerbahce.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ka soo kabsaday dhaawac, waxaana laga yaabaa inuu qeyb ka ciyaaro kulankaan.
Ancellotti Muxuu Ka Yidhi Xaalada Conte Iyo Midda Chelsea
399f217700000578-0-image-m-13_1477172262558
Tababarihii Mudada Soo Maamulay Chelsea ee Carlo Ancelloti ayaa waxa uu sheegay in tababaraha ay isku wadanka yihiinn ee Conte ay ku adkaan doonto amaba aanay suurtagal ahayn in ay sanadkan ku guualaystaan tartannka maadaama buu yidhi kooxdu u baahan tahay waqti lagu dhiso ulana qabsato falsafada siyaasadeed ee Conte, hadalkan ka soo yeedhay tababare Ancelloti ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maanta kooxda Chelsea ku marti gelinaysa dhigeeda Man Utd gegideeda Bridge kulan aad loo wada sugayo lana doonayo in la tijaabiyo awooda ay chelsea u yeelato in ay ka soo baxdo imtuixaanoka maanta horyaala, Ancellti ayaa waxa uu hore u soo maamulay kooxdan chelsea waxaana uu kula guulaystay hal Primer league iyo Hal FA cup isagoo intaa wixii ka danbeeyay soo maray kooxhaha PSG, Raal Madrid Iyo Kooxda Uu Haatan Layliyo Ee Bayern Munich
Rooney Oo Laga Yaabo In Uu Seego Kulanka Maanta

MANCHESTER, ENGLAND - OCTOBER 20:  Wayne Rooney of Manchester United looks on during the UEFA Europa League Group A match between Manchester United FC and Fenerbahce SK at Old Trafford on October 20, 2016 in Manchester, England.  (Photo by Laurence Griffiths/Getty Images)

MANCHESTER, ENGLAND – OCTOBER 20: Wayne Rooney of Manchester United looks on during the UEFA Europa League Group A match between Manchester United FC and Fenerbahce SK at Old Trafford on October 20, 2016 in Manchester, England. (Photo by Laurence Griffiths/Getty Images)


ciyaaryahanka koxda Man Utd ee Rooney ayaa la sheegayaa in uu seegayo kulanka maanta ka dhacaya Garoonka Chelsea ee ay isaga jor imanayaan Man Utd iyo Chelsea, sida ay sheegayso saxaafada ingiriiskuRooney ayaa waxa uu muruqa ka haleelay dhaawac kaas oo u diiday iin dhamaysto gabi ahaanba tababarkii uu danbeeyay ee ay United samayso kaasi oo ay isugu diyaarinayeen kulanka darbiga ah ee Chelsea ay la ciyaarayaan sidoo kale xataa waxa la soo warinayaa in aanuba u duuli karin London maadaama uu xanuuunkiisu yahay mid adag sidaana lagaga saaray kooxda uu mourinho u xushay in ay ka hortagaan kooxdiisii hore
Xog Guud Oo Ku Saabsan Kulanka

– Chelsea lagama badinin 10kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka iyo koobabka maxaliga ee ay la ciyaareen Man United. Shan kulan waa ay badiyeen, shanta kulan kale barbaro ayay ku dhamaadeen.
= Guusha kaliya ee Premier League ee ay Red Devils ku gaartay Stamford Bridge tan iyo 2002 waxa ay aheyd bishii October 2012.
– Haddii ay maanta badiyeen Chelsea waxa ay ka dhigan tahay guushii 50aad ee ay ka gaareen Manchester United tartamada oo dhan.
– Afar kaar casaan ah ayaa la bixiyay lixdii kulan ee Premier League ee ugu danbeysay ee ay labada kooxood ku ciyaareen Stamford Bridge.
Faaffaahin Guud Oo Ku Saabsan Kulanka
003120216cb54ea08cd3c690047c5868
Kulanka: Chelsea v Man United

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Martin Atkinson
Shaxda Ugu Macquulsan Ee La Filan Karo

Chelsea (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Matic, Kante, Alonso; Pedro, Costa, Hazard.

Man United (4-2-3-1): De Gea; Shaw, Smalling, Bailly, Valencia; Fellaini, Herrera; Young, Pogba Rahsford; Ibrahimovic.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *