Search

Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Siilaanyo Marka Uu Dalka Ku Soo Laabto Uu Shaqada Ka Caydhinayo Qaar Ka Mid Ah Golihiisa Wasiirada Iyo Taliyayaal Ciidan?.

“Darajadii U Dambaysay Ee Taliye Fadal U Qaybiyay Bilayska Ayaa Shaanbad Xun Ku Dhufatay,Waxaana La Saadaalinayaa Inuu Safka Hore Kaga Jiro Masuuliyiinta Seefta Madaxweynuhu Saaran Tahay.
Hargeysa(Foore) – Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo qorsheeyay Marka uu dalka dib ugu soo laabto inuu seefta la dhex qaado Golihiisa Wasiirada,islamarkaana uu qaar ka mid ah ku sameeyo xil ka qaadis iyo isku badelid,waxaana la sadaalinayaan in Wasiirada la eryayo ay ku jiraan kuwo aan mudo dheerba Xilka Wasiirnimada haynin. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu maagan yahay inuu xilka ka qaado taliyayaal Ciidan.
Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay Safarka Madaxweyne Siilaanyo oo wargeyska Foore helay ayaa daaha ka rogay in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” intii uu safarkiisan ku gudo jiray uu go’aan ku gaadhay in marka uu dalka dib ugu soo laabto uu shaqada ka caydhiyo qaar ka mid ah wasiiro uu sii Calaamadsaday intii uu safarka ku gudo jiray,kuwaasi oo sida la sheegay qaarkood ay ka mid yihiin kuwo dhawaan uu Madaxweyne Siilaanyo xilka u magacaabay oo ka mid ahaa liiska wasiiradii Cusbaa ee isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ee ugu dambaysay ku jiray.waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu qorsheeyay inuu shaqada ka caydhiyo taliyayaal ciidan,kuwaasi oo sida la sheegay ay cabasho baahsani ka timid.
Sida illo-wareedyada iyo tibaaxaha aanu warkani ka helaynaa ay noo Faah faahiyeen, qaar ka mid ah Wasiirada shaqada laga eryayo waxa dabada ka riixaysa Marwada Madaxweynaha oo mudooyinkii dambe door weyn ku leh Talada dalka, waxaanay kuwaasi bedelistoodu ku xidhiidhsan tahay loolanka Xisbiga KULMIYE,halka kuwa kalena uu sidiisa Madaxweynuhu go’aan uga qaatay Eryistooda.Taliyaha Ciidanka Bilayska ayaa la sheegay inuu xaga hore kaga jiro masuuliyiinta ay seefta Madaxweynuhu saaran tahay,waxaana erigiisa loo nisbaynayaa cabasho Xoogan oo uga timid darajadii u dambaysay ee uu ciidanka bilayska u qaybiyay,taasi cabashadeedu Madaxweynaha ay gaadhay. Darajadii u dambaysay ee uu Taliye Fadal Bixiyay ayaa buuq iyo guux cadho leh ka dhex abuurtay Ciidanka bilayska gudahiisa waxaana jira Askar arintaasi ka gadooday oo Taliyaha u xidhan wali.
Garabyada ku hirdamaya loolanka Xisbiga KULMIYE ayaa guclo orod ugu jira sidii ay door ugu yeelan lahaayeen xulista Wasiirada Cusub ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabayo iyo ka qayb qaadashada Xubnaha uu Madaxweynuhu shaqada ka caydhinayo. Waxaa si weyn farta loogu gudayaa inay isku shaandhayntani saamayn mugleh ku keento Hanaanka geedi socodka siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,maadaama oo ay ku soo beegmayso wakhti xasaasi ah oo culays badani saaran yahay Xukuumadda Talada Haysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *