Maxaa Ka Jira In Dhakhtarka Talyaaniga Ah Ee Dhinaca Ku Haya Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa Uu Ka Mid Yahay Goobaha Lagu Muransanyahay Gacan Ku Hayntiisa

Hargeysa, Dec 11, 2017 (Foore)- Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Dhakhtarka Carruurta ee daawada bilaashka ah bixin jiray ee dhinaca ku haya Dhakhtarka weyn ee Hargeysa uu ka mid yahay goobaha ay Xukuumadda xilka ka degaysaa ku dhegsan tahay inay gacanta ku sii hayaan,waxaana gabi ahaanba iskaga yaacay dhakhaatiirtii ajaanibka ahayd bilihii u dambeeyay.
Cisbitaalkan oo lagu magacaabo Dr Maxamed Aadan Sheekh islamarkaana hore uga mid ahaan jiray dhismayaasha Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa ee Dawlada oo si gaar ah u qaabilsanaa qaybta jajabka Dhakhtarka weyn intii aanay burburin Dawladii Siyaad Barre,lana odhan jiray Cisbitaalka Jajabka ayaa muddo dhawr sanno ka hor oo ku beegan 2013-kii si gaar ah looga jaray cisbitaalka islamarkaana waxa dhismihiisa maalgaliyay Dawlada Talyaaniga waxaana sida la sheegay lagu dhisay dhaxal uu lahaa Dhakhtar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Dr Maxamed Aadan Sheekh,oo ah Dhakhtarkan loogu magaca daray Cisbitaalkan,waxaana wakhtigaasi dhakhtarkan yimid oo ka hawlgalay dhakhaatiir talyaani ah oo daawayn bilaash ah dadka ku siinayay illaa muddo dhawayd.
Haddaba,warar hadda Soo baxaya ayaa sheegaya in Cisbitaalka ay si weyn u dananaynayaan inay gacanta ku sii hayaan qoyska Madaxweyne Siilaanyo ee xilka kasii degayaa,waxaanay wararka soo bayaa ay sheegayaan in Sanadadii u dambeeyayba ay gacanta ku haysay Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde islamarkaana ay u dhiibtay gabadh Reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Khadra Ibraahim Cabdikariin,oo sida la sheegay ay isku yihiin Dariiqada Sheekh ee Gobolka Saaxil,islamarkaana ay iskaga tageen Dhakhaatiirtii Talyaaniga ahayd ee daawada bilaashka ah ka bixin jirtay.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in muran ka taagan yahay gacanta ku haynta Cisbitaalkaasi islamarkaana waxa si weyn u doonaynaya Marwada Madaxweynaha oo aan la garanayn sababta iyo ujeedka ay ka leedahay maadaama oo uu Cisbitaalkaasi ka mid yahay goobaha maamul ahaan hoos iman doona Maamulka Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa oo hore uu u hoos tagi jiray,balse intii dalka lagu soo noqday ay markii hore dad shacab ahi deganaan jireen,markii dambena loo bineeyay Dhismahan hadda ka dhisan.
Lama garanayo halka ay saldhigan doonto arintani balse waxa aad loo raajicinayaa in wax walba sharci loo mari doono oo lagu hagaajin doono maadaama oo uu dalkii qabsaday Madaxweyne aad shacabku ugu rajo wayn yihiin inuu toosin doono wixii Dawladihii hore ka qaloocday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *