BREAKING NEWS
Search

Masuuliyiinta Waxbarashada Iyo Bahda Aqoonta Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Akhriska Iyo Qorista Adduunka Oo Hargeysa Laga Xusay

Hargeysa Isniin, September 11, 2017 (Foore)– Munaasibad si weyn losoo agaasimay islamarkaana ujeedadu ahayd Xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka oo sanadwalba laga xuso guud ahaan Calaamka ayaa lagu qabtey Hoolka Shaqaalaha Dawlada ee Magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadan soo qabanqaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jsl waxaana kasoo qaybgalay , Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada, Agaasimaha Tacliinta wasaarada Waxbarashada, Ardey, iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu Horeyn Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada JSL Axmed Abokor ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey Xuska maalinta Akhriska iyo qoraalka, waxaanu Iftiimiyay goortii lagu dhawaaqay Maalinta Akhriska iyo Qoraalka iyo sababtii keentay in la asteeyo maalintan waxaana hadaladiisi kamida ahaa “ Ugu horeyn waxaa mahad leh ilahay oo maanta iskuugu keen keenay Kulankan qiimaha leh ee aynu ku xusayno sanadguuradii 51aad ee xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka aduunka ee ay isla qateen bulshooyinka calaamku, aduunku waxaa uu leeyahay Madal layskuugu yimaado, Hayada calaamka uu qaabiilsan waxbarashada ee UNESCO shirweynaheedii 1966kii ayaa waxaa lasoo jeediyay in la sameeyo maalin uu gaar ah akhriska iyo qoraalka si loo xoojiyo xilligaas oo imika ku began 50 sanno ka hor , Somaliland xilligaas taclinteedu waxaa ay maraysay meel aad uu liidata “
Dhanka kale Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Dr Yusuf Axmed Cali oo halkaas ka jeediyay hadalo qiimo leh ayaa soo jeediyay in kor loo qaado heerka waxakhriska iyo qorista dalka si bulshadeenu uu Noqoto mid Aqoontu badasho, waxaanu sidoo kale ka shekeeyay taariikhdii ay soo martay tacliinta dalku “ Anigu waxaan kamid ahaa lixdii ardey ee Burco waxbarashada lagu bilaabay, waxaa nalagu yidhi ninkastoow Noqo oo waxaad soo qadaata Cagaad iyo Jawaan, qofkaste waxaa kursi iyo miis uu ahaa Dasaada caanaha, heerka xilliga waxbarashadu taagna iyo heerka waxbarashadu tagnayd iyo heerka maanta Ragg ayaa soo gaadhsiiyay, inta kalena waxaa sii gaadhsiin doona idiinka, marka walaalayaal waxaa loo bahanyahay inaynu kordhiino heerka wax akhriskeena si aqoontu bulshadeena wax uga badalaan “ ayuu Yidhi Dr Yusuf Axmed Cali, Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada. Gabgabadii Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Xuseen Rooble oo isagu soo xidhay Munaasibadan lagu xusayay Maalinta akhrisa iyo Qoraalka ayaa uu mahadceliyay dhamaan Martisharafta iyo bahda aqoonta ee kasoo qaybgalay Xuska Sanadguurada 51aad ee xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka aduunka “ Aadbaan idiinku mahadcelinaaya dhamaan Madaxda wasaarada, iyo marti sharafta kasoo qaybgashay wasaarada, Wax akhriska iyo qoristu waa qeyb kamida nolosheena, Maxamuud Axmed Cali waxaa uu ahaa Abihii waxbarashada Somaliland, deegaanka kilaalka shanaad waxaa uu ka hirgeliyay Dugsi boodhiin ah oo ka samaaysan Biro, macalimiin iyo dhakhaatiir badan oo ka shaqeeya dalka ayaa halkaas kasoo baxay, akhriska iyo qoristu waxaa muhiim weyn uu leeyahay dadka waaweyn, waxaana loo bahanyahay in xooga la saaro “ ayuu hadaladiisa kusoo xidhay Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada Axmed Xuseen Rooble.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *