Masuuliyiinta Heer Gobol Iyo Heer Degmo Oo Markii Ugu Horaysay Kawada Maqan Gobolka Awdal Iyo Dareenka Ku Xeeran

Boorama (Foore) Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo oo gabi ahaanba ka caraabay Gobolka Awdal gaar ahaan magaalada uu fadhigoodu yahay ee Boorama ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Boorama walaac ka muujisay kaasi oo ay sheegeen in hawlo badani kaga xidhnaayeen Masuuliyiintani .

Masuuliyiintani oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ,Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmada Boorama Saleebaan xasan Xaddi ,Gudoomiye ku xigeenka G/Deganka ee degmada Boorama Maxamed Maxamuud Faarax ,Xoghaya Dowlada Hoose ee Degmada Boorama Mudane Xamari ayaa dhamaanba ka maqan magaalada Boorama kuwaasi oo ku sugan Gobolada Kale ee Somaliland kuwaasi oo la sheegay in ay u joogaan arimo kala duwan laakiin waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee masuuliyiinta heer Gobol iyo Heer Degmo ay ka wada maqnaadaan Gobolka Tani iyo markii Somaliland la dhisay .

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Boorama oo aanu wax ka waydiinay maqnaashaha masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa Degmada ayaa noo xaqiijiyey in ay dhibaato ku tahay bulshada maadaama ay arimo badan oo kala duwan kaga xidhan yihiin xafiisyada masuuliyiintani kuwaasi oo ay sheegeen inaanay dhameyn Karin masuuliyiinta xilka lagaga sii tagay .

Wararka naga soo gaadhay dhinaca dowlada hoose ee Boorama ayaa sheegaya in gabi ahaanba masuuliyiinteedii maqan yihiin, ayaa la is waydiinayaa cida haatan ugu saraysa xafiisyada dowlada hoose ee Boorama isla markaasina waajihi karta arimaha bulshada u baahan yihiin . ilaa hada waxaa jira Shacab u cadilan maqnaashaha masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada oo arimo kaga xidhnaayeen.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama gaar ahaan kuwa meherada ganacsi ku leh faras magaalaha Boorama ayaa walaac ka muujiyey dhismaha waddo isku xidhi doonta Garoonka diyaarada ee Boorama iyo Jaamacada Camuud kaasi oo ilaa imika aan sidii loogu talagalay loo dhaqaajin,waxaanay dadkani sheegeen in ay dhibaato badan habeenkii kala kulmaan waddooyinkani la soo dhoobay carrada lagu dhisayo Wadda kuwaasi oo ilaa haatan la dhaqaajin marka laga reebo maalin maalin ay farishaan carada ka dibna dib loo soo dhoobo .

Si kastaba ahaateen arimahani iyo kuwa la halmaala ayaa ah adeegyada xafiisyada dowladu bixiso isla markaasina bulshadua Gobolka Awdal walaac ka muujinaysaa maqnaashaha masuuliyiinta heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gobolka Awdal




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *