BREAKING NEWS
Search

Masuuliyiinta Dawladda Hoose Oo Shir La Yeeshay Guddida Sayladda Xoolaha Iyo Ururka Hiliblayaasha Nafaqo

Hargaysa (Foore)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Inj. Xuseen Maxamuud Jiciir  iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Md. Mawliid Waris Cabdilaahi ayaa kulan la yeeshay  Guddida Saylada Xoolaha iyo Ururka Hiliblayaasha ee Nafaqo ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa maalinimadii shalay ka dhacay Hoolka shirarka Dawlada hoose ee Hargaysa kaasi oo lagu lafo gurayay khilaaf ka dhashay Hay’adda FAO oo la sheegay in ay dib u habayn ay ku samaynayso Sayladda xoolaha ee Magaalada Hargaysa, taasi oo keentay in ay ka biyo diidaan dadka halkaasi ku ganacsada.

Arrintaasi ayay dadwaynaha ku ganacsada Saylada  Xoolaha ee Magaalada Hargaysa ka muujiyeen walaac xooggan iyaga oo sheegay in dad gaar ahi ay la wareegayaan maamulka Saylada  iyagana dibada loo tuurayo kadibna ay cabasho xoogan ay ka muujiyeen iyaga oo arrintaasi ka xuna u gudbiyeen cabashadooda dawladda Hoose.

Waxaase Arrintaasi beeniyay  Xoghayaha Dawladda Hoose iyo Maayarka oo Kulan la yeeshay  Gudida Saylada Xoolaha iyo Ururka Hiliblayaasha ee Nafaqo waxaana halkaasi la iskula qaatay in aanay arrintani ahayn mid wax lagu yeelayo dadka sayladda ku ganacsada, laakin ay tahay mid iyaga dan u ah oo dad badani ay shaqo ka helayaan, iyada oo aanay cidina wax dhibaato ah u gaysanaynin.  Hadaba waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha Deeganka Md. Ismaciil Cabdi Cige (Ismaaciil Caymis), isaga oo sheegay in  mashruucan ay Dawladda Ingiriisku ugu deeqday Somaliland kuna soo hagaajisany Hay’adda FAO oo ay shaqadeedu tahay  Beeraha iyo Xoolaha.

 

Xildhibaan Caymis oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “In sayladaheeni sida saylada Burco iyo ta Hargaysa oo ah  Sayladaha ugu waawayn la gaadhsiiyo sida sayladaha Calamka oo kale si Xoolaheenuna  la tartamaan xoolaha adduunku waa mid mudan sharaf. Sida aad la socotaan waatii Xoolaha xanuuno lagu sheegay, sidaa darteed  Dawlada Ingiriisku waxay naga caawinaysay waad ogtihiin oo inta badan dadkeenu waxay u badan yihiin Xoolo dhaqato. In la gaadhsiiyo xoolaheen sida kuwa caalamka ee  Saylada inagala tartamaya ayaa ah mid inaga go’an. Sidaa darteed waxaanu go’aansanay sidii Sayladii loo hagaajin lahaa ee Dayr loogu samayn lahaa ee dadka boodhka dhex fadhiya ee Cuntada ku iibinaya ay meherado u heli lahaayeen. Waxaan idiin sheegayaa in aanay jirin wax dad lagu wareejinayaa majiro, sidaasi ayaana loo hagaajinayaa.”

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay  Gudoomiyaha Guddida Sayladda Md. Maxamed Aadan Xassan oo sheegay in dadka la kiciyay, wax aan jirina loo sheegay waxaana uu sheegay in dadwaynihii ku kaceen oo la haysto ka guddi ahaan. Gudoomiyaha Guddida Saylada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka been lagu  Akhriyay oo lagu yidhi waxa la qaybinayaa dadka oo qabiil  ayaa loo xulanayaa, Markaa waxaan ka Codsanaynaa Xoghayaha  in dadkan wax loo sheego lagana dhaadhiciyo waxay masuugen.

Gunaanadkii shirkaasi ayaa waxa hadalo kooban soo jeediyay Xoghayaha dawladda hoose ee Hargaysa Md. Mawliid Waris Cabdilaahi waxaanu xoghayuhu sheegay in ay arrintaasi tahay  mid dacaayad ah oo lagaga soo horjeedo wax la hagaajinayo  laguna tilmaamay mid cid gaar ah loogu adeegayo,  sayladuna ay dadka uga dhaxayn doonto sidii  hore,  dhulkuna uu yahay  mid ay dawladu leedahay. Xoghayaha Dawladda hoose Md. Mowliid Waris ayaa tilmamay in loo casriyaynayo loona hagaajinayo ee aan waxba laga xumaynan, dadka xumaanta faafiyayna aan laga hadhayn ee sharciga la horkeeni doono oo aan laga hadhi doonin meel kasta oo ay jooganba,  badhitaana lagu samayn doono ayuu yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose Md. Mowliid Waris Cabdilaahi oo Shirkaasi ka hadlayay.

Gaba gabadii waxaa shirkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Md. Xuseen Maxamuud Jiciir oo sheegay in mashruucan ay ku baxayso lacag gaadhaysa ilaa Lix Milyan  iyo shan boqol oo kun oo Dollar tanina ay tahay tii ugu horaysay oo ay kooban tahay, wax kalena maaha arrintasi waxaa la ogaaday in Somaliland ay laf dhabar u tahay Xoolaha nooli, ayna tahay waxay shaqo ku abuuri  karaan xoolahana la hagaajiyo ilaa inta ay dhoofayan,  Md. jiciir ayaa dadka u soo jeediyay in laga faa’iidaysto mashruucan dadkuna ay fahmaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *