BREAKING NEWS
Search

Masuuliyiinta Cusub ee Gobolka Togdheer oo Maanta Xilalkoodii La Wareegay

Hargeysa (Foore)-Masuuliyiinta Cusub ee Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Maanta Si rasmiya ugala wareegay masuuliyiintii Hore ee Gobolka Togdheer xilalkoodii iyadoo xaflad balaadhan oo lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Togdheer ay ka soo qaybgaleen Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr:C/Aw dahir Cali,Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed,Lataliyha Madaxweynaha ee Baarlamanka Mudane Cabsiiye,Agaasimaha Guud ee Wasaarada arimaha Gudaha Xuseen Cige Balaki,Masuuliyiinta Xilka La Kala wareegaysay,agaasimayaasha dawlada ee Gobolka iyo madaxda Degmooyinka Togdheer.
Ugu Horayna waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr:C/Awdaahir Cali oo isugu Hogaaminayay Wefti ka socda Xukuumada oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyayba Ku Sugnaa magaalada Burco waxaanu Wasiirku Sheegay inuu aad ugu hanbalyaynayo masuuliyiintii hore xilka u haysay shaqadii ay soo qabteen masuuliyiinta Cusub ee Gobolka Togdheer uu ay la gudboontahay inay ka shaqeeyaan midnimada Bulshada Gobolka Togdheer iyo sidii ay u sii horumarinlahaayeen Nabada iyo wax wada qabsiga.
Wasiir Cabdi awdaahir waxa kale oo uu ka hadalay intii uu Khudbadiisa ku jiray gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u fidiyay dadka Degaanada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle waxaanu sheegay in nabad kuwada noolaanshaha dadka deegaanada Somaliland ay tahay mid muhiima oo la baahanyahay in nabada la wada qaato.
Afhayeenka Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Col.Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna sheegay inuu soo dhaweynayo masuuliyiinta Cusub ee Gobolka Togdheer islamarkaana ku guubaabiyay inay ka shaqeeyaan sidii magaalada Burco ay uga Saari lahaayeen Ereyga Burco Bari iyo kala qaynbsanaanta salka ku haysa Qabyaalada Taasi oo iyadu noqotay ta dib uga dhigtay magaalada Burco inay gaadho dhanka Gobolada Galbeedka Somaliland.
Waxaanu Maxamed Kaahin intaasi ku daray in shacbiga Burco uu ka codsanayo inay la shaqeeyaan Masuuliyiinta cusub ee Gobolka Togdheer kuwaasi oo bulshada La’aantood aan shaqaynkarin.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhinaca Baarlamaanka Mr Cabsiiye,Xildhibaan Cali Mareexaan,Xildhibaan Maxamed X.Yuusuf Waabeye,Suldaan Cismana Suldaan Cali Madar iyo aqoonyahankaloo badan dhamaantoodna waxa ay soo dhaweyeen masuuliyiinta Cusub ee xilka La Wareegay iyagoo ilaahayna uga rajeeyay inuu u fudueeyo xilkooda.
Badhasaabkii Horee ee Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi iyo Ku Xigeenkiisii Cabdi Daahir oo iyaguna halkaasi ka hadlay aya aka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xilka hayeen iaygoo sheegay inay horumar balaadhan ku talaabsadeen dhinacyada waxbarasg=hada,Caafimaadka iyo adeegyada Bulshada waxaanay masuuliyiintaasi si weyn uga dayriyeen in ciidmada Booliska ee Gobolka Togdheer ay ka muuqato tag daro weyni una baahanyihiin in dawlada Dhexe ay arinkaasi ka hawlgasho.

Badhasaabka Cusub ee Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Aayir oo gabagabdii isna kulankaasi ka hadlay ayaa balanqaaday inuu ka shaqayndoono horumarka Gobolka Togdheer iyo midnimada Bulshada Reer Burco waxaana hadaladisii ka mid ahaa:
“Waxaan ka Shaqayn doona midnimada Bulshada Togdheer waxaanan jabindoona darbiga Qabyaaladeed ee Burco Bari iyo Mid Galbeed waxanana ka shaqayndoonaa horumarka Gobolka Togdheer aniga oo ilaalin doona xuquuqda ay shacabku leeyihiin iyo ta maamulkaba waxaaan gacan weyn ka gaysandoona inaan hangool faraare leh ku qabandoono cid kasta oo iyadu isku dayda inay bulshada kala disho”
Dhinaca kale Badhasaabka Cusub ee Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo gogashii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u fidiyay dadka Deegaamada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle islamarkaan wixii karaankooda ah ay gacan ka gaysan doonaan.
Ugu Danbaytiina Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Xuseen Cige Balaki ayaa si rasmiya xilalkoodii ugu kala wareejiyay masuuliyiinta cusub ee Gobolka togdheer iyo Masuuliyiintii hore ee Gobolka ilahyan uga barayay inuu xilkooda u fududeeyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *