Masuuliyiin Ka Hadashay Bilowga Dhismaha Waddo Isku Xidhaysa Hargeysa Iyo Balligudbadle

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa shalay ka waramay bilowga wado isku xidhi doonta magaalooyinka Hargaysa iyo Balli-gubadle.

Waxa kulan lagaga hadlayay dhismaha jidkan ka qayb galay xildhibaano, Injineero iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in iskaashi dhex mara xukuumada iyo shacbigu ay suurto gal ka dhigayso dhamaystirka wadadan oo wax weyn ka bedeli doonta nolosha guud ee dadka.
Wasiirku waxa ugu baaqay guud ahaan bulshada inay ka qeyb qaataan dhismaha wadadan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay wadadani u leedahay bulshada iyo sida ay waajibka u tahay in maadaama ay ka dhaxayso ummada, waxa uu ku baaqay in qaadhaanka dhismaheeda laga wada qeyb qaato gudo iyo dibadba.

Waxa uu Xildhibaan Nacnac u mahadceliyay qurbo jooga ku nool magaalada London gaar ahaan haweenka iyo xubnaha kale ee gacanta ka gaystay bilowga wadadan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure,Marwo shugri Xariir Ismaaciil iyo Gudida dib u dhiska wadadan 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *