BREAKING NEWS
Search

Masuuliyiin Hore Uga Tirsanaa Xisbigii UDUB Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Burburka Xisbigoodii Hore

Hargeysa (Foore) Wasiirro iyo masuuliyiin hore uga tirsanaa Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in masuuliyadda burburka xisbigaasi uu masuul ka yahay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, Wasiirkii hore ee Ganacsaiga Abiib Filfil, Wasiirkii hore ee dhaqanka C/Risaaq Waabari Rooble iyo Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Maxamed Cabdi Daa’uud oo dhammaantoodba dhawaan ku biiray xisbiga KULMIYE markii ay ka digo-rogteen xisbiga UDUB, ayaa sheegay in burburka iyo kala daadsanaanta ku timid xisbigoodii hore ay muddo badan ka digeen. Waxaanay sheegeen in masuuliyadda burburka xisbigaasi ay u gaar tahay Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Xubnahani waxay sheegeen in muddo afar sanadood ah uu xisbigaasi dhutinayay isla markaana uu ahaa mid taladiisu ka go’do oo Guddoomiyaha oo kaliya, waxaanay Daahir Rayaale ku eedeeyeen inuu Xisbigii oo baaxaa-degaya dalka ka dhoofay isla markaana burburku uu halkaasi ka yimid.

Masuuliyiintaasi waxay gaashaanka ku dhufteen eedo ka soo yeedhay xubno ka tirsan xisbiga UDUB oo ku eedeeyay xukuumadda Somaliland inay qayb ka tahay burburkooda, waxaanay tilmaameen in jabka UDUB uu ka dhashay gudaha xisbigooda, waxaanay u soo jeediyeen inaanay xukuumadda lagu xajiimayn arrin aanay shaqo ku lahayn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *