Search

Masuul Xukumadda Siilaanyo Iska Casilay iyo Sababta Uu Ku Macneeyay Iscasilaadiisa.

Hargeysa(Foore) – Wasiir kuxigeenkii wasaaradda qorshaynta qaranka Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu qaranka u hayay. Waxa uu sheegay inuu madaxweynaha u gudbiyay iscasilaadiisa.
Masuulkan ayaa bartiisa facebook bulshada kula wadaagay xog kooban oo ku saabsan sababta uu isku casilay waxaanu sheegay in iscasilaadiisu la xidhiidho siduu ugu madax banaan lahaa olole uu qabyaaladda kula dagaallamo.

Waxa uu qoraalkiisa ku yidhi Mudane Cabdikariin “Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.
Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.
Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *