Masuul Waddani Ka Tirsan Oo Shaaciyey Gabood Falo Uu Sheegay Inuu Reer Saaxil Ka Galay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Fariinna U Diray G/Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye

Berbara, Salaasa, 12 September 2017, (Foore)- Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo ka mid ah Siyaasiyiin aadka u culus ee ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ka hawlgala Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadda,Waxa uu ka sheekeeyay Taariikh madaw oo uu Muuse Biixi ka galay Dadka ku dhaqan Gobolkaasi Saaxil waxaana uu tilmaamay Gabood falo culus oo taariikhda galay oo uu ugu suntan yahay shacabka Reer Saaxil,isagoo sidoo kalena Sheegay in Muuse Biixi Wakhtigii Dawladii Ina Cigaal ee la bixinayay Gobolnimada Saaxil uu ahaan Wasiirkii qudha ee ka soo horjeestay Gobolnimadii Saaxil,waxa uu sidoo kale fariin culus u diray dad waynaha Gobolkaasi inay maanka ku haystaan taariikhdii iyo waayihii soo maray.
Siyaasi Saleebaan Oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Berbera ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Muuse Biixi Cabdi Oo Cod ka Doonaya Gobolka Saaxil,Waxaan Leeyahay Muusaw Taariikhdu Way isqortaa,Taariikhda maanta aad ku leedahay Berbera waad ogtahay,Marka imika Ololuhu uu furmana Wax Alla wixii aad taariikh ku lahayd Berbera waa lasoo fuqi,Muuse Biixi waxa uu ahaa Wasiirka keli ah ee diiday Gobolnimadda Berbera markii uu ina Cigaal Soo dhigay, Waxaanay ahayd Qisadii markii dambe uu Ina Cigaal uga eryay Xukuumadda ee uu Xilka uga qaaday,arinta keli ah ee ay isku qabteen waxay ahayd Gobolnimada Saaxil,Mar labaad Muuse Markii Kuraasta Gobolka Saaxil la qaybinayay Waa la ogaa dhibaatadii uu u gaystay Axmed Yuusuf Yaasiin “Madaxweyne Xigeenkii hore ee Somaliland”.
Waxa kale oo uu yidhi “Muuse Biixi waxa uu ahaa ninkii yidhi,Saddex Kursi wax ka badan Berberi ma yeelan karto,inta madaxayga saani ku jirtana ma aqbalayo,waa nasiib daro maanta inaad Cod u soo doonato Berbera,Maanta ma soconayso Tolaayeey,laakiin siyaasiyan Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadda Kulmiye,Tacadiga ay u gaysatay intay talada haysay,siday uga soo horjeeday Kuraasta Gobolka Saaxil iyo sidii uu Muuse u diidanaa Gobolnimada Saaxil maanta hadduu cod ku soo doonto waa nasiibdaro,ololahaa uu Gobolada Galbeed ka wado Xisbiga Kulmiye waxaanu leenahay Kulmiye sarajooga ayuu ku atixiyaadsanayaa,ee sug xiliga Ololaha ee ay mudada yari ka hadhsan tahay”.
Ugu dambayn waxa uu fariin u diray Shacabka Reer Somaliland,waxana uu yidhi“Shacabka Somaliland waxaan leenahay Siilaanyo oo ah Siyaasi wayn oo ruug cadaaya oo dhaqaalaha ku takhasusay markii uu Xisbiga KULMIYE talada dalka ku guulaystay dhaqaalihii dalku halka uu gaadhay waynu ognahay,shan boqol oo baac ayuu dhulka hoos ugalay,Waxay odhan jireen Reer Kulmiye,Qasnad Madhan ayaanu Daahir Riyaale ugu nimid,maanta waxaanu laanahay haddii Daahir Riyaale laga dhaxlay Qasnad Madhan idinkana waxa la idinka dhaxli doonaa Qasnadihii Shacabka oo madhan,tii Dawlada uunbaa maalintaasi madhnayd,waxa la arki doonee tii shacabkuna tii oo ay madhan tahay oo siiroo la yahay ayaa dalka la idinka qabanayaa,Habro wadaagay Maxamed Kaahin ayaan doonayaa inaan kalmad idhaahdo, Waxaan leeyahay Maxamed Kaahin,Waxaad tahay Nin xagga dhaqanka aad ugu wanaagsan, oo hal adayg leh,maanta waad ogtahay,nin Xaqiiqda ku noolna waad tahay,Waxaan ku leeyahay maanta saaxiibkaana been ha usheegin Cabdiraxmaan Cirro Wuu ku guulaysanaa Talada Dalkee sidii Daahir Riyaale ha ula hadlin”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *