Masuul M/Siilaanyo Ugu Magacaaban La Taliye Oo Saylici Farriin Garnaqsi Ah U Diray Kana Cawday Caddaalad Darro Deegaankiisu Tirsanayo

Akhriso Nuxurka Warqad Garnaqsi Ah Oo Cabdilaahi Jawaan u Diray M Ku Xigeenka SL

Hargeysa (Foore):- La taliyaha madaxweynaha ee arimaha doorashooyinka Cabdilaahi Cabdi Cumar(Jawaan) ayaa warqad garnaqsi ah u diray madaxweyne ku xigeenka somaliland.
cabdilaahi Jawaan ayaa madaxweyne ku xigeenka somaliland kula garnaqsaday sababta uu mashruuca JPLG uga reebay xarunta gobolka Hawd, isaga oo si weyn ugu hogo tusaaleeyey heerka gobolka Hawd taagan yahay iyo halka uu dhigay magaalo madaxdiisa Balli-gubadle, waxaanay warqada uu Cabdilaahi Jawaan u diray madaxweyne ku xigeenka oo Hadhwanaagnews heshay u dhignayd sidan:
Ku:Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida horu marinta dawladaha hoose iyo maamul daadejinta (JPLG).
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland
Og:Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweynaha
xisbigaas.
Og: wasiirka wasaarada arimaha gudaha
Ujeedo:- Talo Bixin.
Mudane madaxweyne ku xigeen aniga oo daba socda kulankii iyo wada hadalkii aynu shalay oo taariikhdu ahayd 20/10/2016-kii ku yeelanay xafiiskaaga ee ku saabsanaa mashruuca JPLG iyo magaalo madaxda gobolka Hawd ee Balli-gubadle si arintaas looga gaadho xal caafimaad qaba iyo isfaham xisbi iyo xukuumad ahaanba ayey iigu muuqatay inaan waraaqdan kuu soo ka dib markii aan helay natiijada shirkii arintan khuseeyey ee lagu qabtay Hotel Ambassador dhawaan.
Waxaan si niyad sami ah kuugu sheegayaa inaan shirkii jaraa,id ee aan qabtay ee aad dhibsatay inaanay ku jirin wax shakhsiyadaada xumaynaya inaan loola jeedin ee ay ka turjumayso uun tabashada dadka gobolka Hawd degan gaar ahaan degmada Balli-gubadle sababaha hoos ku qoran awgood.
1. Dhamaan xarumaha gobolada dalka ee (UNJPLG)-ga loo ogolaaday waxa laga hir geliyey xarumahooda iyo degmooyinka la xidhiidha haddii ay yihiin goboladii hore u jiray iyo kuwa cusuba sida
A) Gobolka Daad Madheedh oo mashruucaas si waafiya looga hir geliyey
B) Gobolka Gabiley oo mashruucaas si waafiya looga hir geliyey isna
C) Gobolka Selel magaalo madaxdiisa Saylac waa laga hir geliyey isna
D) Caasimada Hargeysa iyana waa laga hir geliyey meelo ka mid ah
E) Degmada Burco meelo ka mid ah waa laga hir geliyey iyana
F) Caasimada gobolka Saaxil ee Berbera iyana waa laga hir geliyey
G) Gobolka Awdal degmadiisa Boorama waa laga hir geliyey iyana
H) Iyo degmada Sheekh iyana waa laga hir geliyey mashruucaas
2. Hadaba mudane madaxweyne ku xigeen goboladii loo ogolaaday in laga hir geliyo mashruuca JPLG waxa ka hadhay oo qudha xarunta gobolka Hawd ee degmada Balli-gubadle, somaalidu waxay isku habaartaa (Qayrkaa Ka Hadh), hadaba degmada Balli-gubadle iyada oo goboladii la midka ahaa ka hadhay hadana in laga hor mariyo degmooyinka ku soo galay degmo doorasho meesha ma qabato waa marka cadaalada la geeyo iyo dhan kasta oo la eegaba ma tasoobi karto.
3. Degmooyinka doorashada ee gobolada waxa ka mid ahaa
A) Gobolka maroodi Jeex: degmada Salaxley ayaa ah degmo doorasho
B) Gobolka Saaxil: degmada Sheekh ayaa ah degmo doorasho
C) Gobolka Awdal: degmada Baki iyo degmada Lughaya ayaa ah degmo doorasho.
4. Hadaba madaxweyne ku xigeen waxaynu ognahay in laba degmo oo kaliya ay sanadkan soo socda ay UN qorshaha ugu jirto inay laba degmo oo kaliya mashruucan JPLG laga hir gelinayo somaliland oo dhan.
Hadaba sida ku tala galkiina ka muuqata waxa aad kow iyo laba ka dhigteen degmada Baki oo aad lanbarka kow ku qorteen iyo degmada Salaxley oo aad ku qorteen lanbarka labaad, Balli-gubadle oo xarun gobol ahna waxaad ku qorteen lanbarka sadexaad, degmada Lughayana lanbarka afaraad, waxaan talo bixintaydan ku soo gaba gabaynayaa in xarunta gobolka Hawd ee laga reebay gobolada kale in laga daba geeyo gobolada ay la darajada tahay, lagana dhigo lanbarka koowaad mashruucaas JPLG-ga 2017-ka kaalinta degmooyinka kalana sida ay u kala baahi badan yihiin loo kala hor mariyo.
Waxaan halkan amaan uga soo jeedinaynaa madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mashaariicda dhaxal galka ah ee uu ka hir geliyey degmada Baki gaar ahaan wadada laamida ah ee isku xidha Dilla oo ka tirsan degmada Baki Iyo Boorama iyo laamida kale ee isku xidha Dilla iyo Kala Baydh, waxa isna door weyn ka qaatay mashruuca wadooyinkaas oo in la xuso mudan wasiirka wasaarada hawlaha guud mudane Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan.
Hadaba mudane madaxweyne ku xigeen waxa iga talo ah mar labaad in gobolka Hawd laga daba geeyo gobolada uu ka hadhay
Allaa Mahad Leh
La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Doorashooyinka IYo Xisbiyada
Mudane:Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *