Search

Masjid Laga Dhisay Dekedda Berbera Oo Loogu Magac Daray Mujaahid Axmed Siilaanyo

Berbara (Foore) -Dekedda Berbera gudaheeda waxa laga hirgeliyay Masjid laba dabaq ah oo ay ku tukan karaan ugu yaraan shan boqol oo qof, waxaana loogu magac daray sida lagaga dhawaaqay xaflada furitaan oo loo sameeyay Mujaahid Axmed Siilaanyo.

Masaajidkan oo ay ku baxday lacag badani waxa hirgeliyay Maamulka Dekedda Berbera, waxaana ka qayb galay xafladdii lagu furayay Masaajidkaas Maayarka Berbera iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Sheekadan Masaajidka ayaa ahayd ta ugu hadal haynta badnayd magaaladda Berbera oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo saaka ku sugnaa.

Masaajidkan loogu magac daray Mujaahid Axmed Siilaanyo ayay ku baxday lacag lagu qiyaasay ill laba boqol iyo konton kun oo Dollar, kaasoo uu dhisay Eng: Maxamed Cismaan oo ka tirsanaan jiray golihii deegaanka ee hore.

Foorenew.com
Hargeisa/main Office




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *