BREAKING NEWS
Search

Masaska Dunida Ugu Waa Weyn Iyo Wadamada Ay Ku Nool Yihiin Oo Dhibaato Lagala Kulmo

Rio (Foore)- Masaska ugu awoodda badan Dunida ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku nool yihiin dalalka Venezuela , Panama , Colombia , Bolivia iyo Brazil waxayna dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka iyo duunyada iyaga oo sannad walba galaafta nolosha kumannaan qof oo dalalkaasi ku kala nool.
Masaskan oo u badan nooca jabisada ah ee loo yaqaan (Anaconda) ayaa inta badan ku dhex nool Biya mareenada iyo waliba gaar ahaan Wabiga caanka ah ee AMAZON kaasi oo ay ku nool yihiin malaayiin nooc oo ka mid ah noocyada Masaska adduunka ugu waaweyn balse marka ay gaajo dareemaan masaskan waaweyni ayaa lagu arkaa kaymaha jiqda ah, kuwaas oo liqa xoolaha nool iyo wax alle iyo wixii ay arkaan
Kulan ballaadhan oo ay dhawaan isugu yimaadeen masuuliyiinta ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka ee dalkaasi ayaa lagaga hadlay dhibaatada ay masaskaasi waaweyni ku hayaan dallakaasi gaar ahaan kuwooda ugu dhumucda iyo baaxadda weyn oo laga helay dalalka Brazil iyo Colombia gaar ahaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *