Masar Oo Si Cad Iigu Sheegtay In Aanay Soomaaliya Degayn Haddaan Hawiye Loo Yeelin Siday Rabaan – Q:99aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 99aad

Waxaa nala geeyay huteel wayn oo wabiga niika ku yaal, halkaasna waxaanu ugu tagnay Xuseen Caydiid iyo wufuud kale oo naga soo horreysay, dabadeed isla huteelkii baa shirka lagu furay, shirka waxaa hogaaminayay saraakiisha amniga oo nooma suuurtoobin in nala kulansiiyo saraakiiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda oo aanu arrimaha qaarkood kala hadli lahayn, sidii hore loo sheegay si buuxda baa shirka looga soo qayb galay, dhinaca beesha daarood waxaa ka socday
Cabdilaahi Yuusuf Axmed
Aadan Cabdilahi Nuur Gabyow
Maxamed Abshir Muuse
Cumar Xaaji Masalle
Axmed Cumar Jees
Maxamed Xaaji Aaadan
Maxamuud Khaliif Shire

Inta kale oo isugu jirrtay Dir, Digil, Midhifle, iyo Hawiye waxay tiradiidu ahayd 19 Xubnood, dhawr maaalmood markii la wada hadlayay oo la is mari waayay, Runa la isu sheegi waayay nin waliba taladiisana meel afka u saaray ayaa nimankii reer Masar waxay bilaabeen in ay si qarsoodi ah gooni gooni wufuudii ugu yeedheen, markii hore ragga qaarkii way isku adkeeyeen balse markii la cadaadiyey waa ay is dhiibeen oo wixii Masar ka doonaysay bay ka saxiixatay goor subax ah baa waxaa ii yimid saraakiil ka tirsan amniga qaranka Masar, waxay ii sheegeen in ay dhakhtar I gaynayaan waxay ogaayeen in beerka la iga badalay oo mar walaba dhakhtar aan isaga baahanahay , waxay I geeyeen Cusbitaal wayn wayna I baadheen, wax caafiimaad xummo ahna igamay dareemin dabadeed ninkii Jananka ahaa oo I waday baa I yidhi xafiis halkan ah baan sii maraynaa wuxuuna ii geeyay taliyaha ciidanka amniga kaas oo ii geeyay wasiirka amniga oo la yidhaahdo Cumar Saleebaan ahna la taliyaha madaxweynaha Masar (Madxweynihii hore Xusni Mubaarak) waxaanu ka wada hadalnay sida shirku u socdo iyo ajandaha lagaga doodayo, su’aalo badan oo uu si dadban ii weydiyayna wuxuu ka dhadhansaday in aanan yeelayn cadaadiska Masar wadday dabadeed wuxuu si badheedh ah iigu yidhi ‘’waar nin yahow mashaakil baa naga haysta Soomaaliya haddaan loo yeelin sida beesha Hawiye rabto dawlad u dhisi kari mayno Soomaalida, waxay ku qancayaan oo keli ah in Cali Mahdi madaxweyne laga dhigo Xuseen Caydiidna Raysalwasaare.
Intaan halkaas ka cadhooday baan ku idhi ‘’Waxaan gartay in aad iska hadlaysid oo aanad ka baaraan dagin waxan aad ka hadlayso ee xaalada Soomaaliya iyo weliba wuxiii dalka ka dhacay laga soo bilaabo rididii la riday madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxaan u sheegay in markii USC ay Muqdisho qabsatay balse beeshan Hawiye ee aad leedihiin xukunka haloo dhiibo in ay ka shaqaynayeen sidii qabiilka Daaroodka loo dabar jari lahaa dalkana looga saari lahaa kumayse guulaysan, waxaan wasiirka amniga ku idhi ‘’ma taasi oo jirta baan yeeli karnaa in madaxda USC aad u caleema saartaan kaligood madaxnimada dalka dabadeedna iyaga oo dawlad sheeganayana ay wixii naga hadhayna gumaadaan. Marka xasuuqu dhaco ee nala weydiiyo waxa sababayna ma waxaanu ku jawaabi doonaa walaalahayaga reer masar baa na weydiistey in aanu kuwaa dadka gumaaday in dalka loo dhiibo, waxaan ku idhi ‘’in madaxda beesha Hawiye ee aad mAanta dabada ka riixaysaani ayna run ahaantii dawlad in la dhiso aanay rabin, sidoo kale dalkana xukumi Karin iskaba daa in ay xukumaan beelaha ay iyagu ka kooban yihiine maadaama ay is quudhsadaan’’, dersigii laga bartay mudadii burburku lagu jiray ayaa qof kasta oo caqli leh ugu filan wax ka garashada ujeedada dhabta ah ee madaxda beehsha Hawiye qaarkood waxa ay doonayaan oo keli ah in ay dalka bililiqaystaan, dil na sameeyaan iyo sidoo kale in ay sii wadaan burburinta ay wadddanka ku hayaan, waxaan hubaa hadii ay maanta qaahira gacanta ku dhigi lahaayeen in todobada barri ka dib aan la arkeen halka ay ka baxday, bal wax kale iska daaye ahraamta hadii aydinaan hore sidaas u ogayn maantaba ogaada. Ugu danbayn waxaan ku idhi ‘’In aan maanta iyo berri toona qaadanayn talada aad ii soo jeedissay, waxaanan idinkula talinayaa in aad ka hadhaan waxa aan soconayn, hadana waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad huteelkii igu celisaan, intii aan kulankaas ku maqnaa ayaa xubnihii ….. La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *