BREAKING NEWS
Search

Masaajidada Sucuudiga Oo Lagu Xidhay Qalab Saxaya Qofka Salaadda Khalda Markuu Tukanayo (WARBIXIN XIISO LEH)

Riyaad(Foore) Tiro ka mid ah Masajidada ku yaala Magaalada Riyaadh ee Sucuudiga ayaa waxaa lagu xiray Shaashado Elektronig ah oo loogu tala galay inay hagaan Dadka Tukanaya, si ay u saxaan marka ay Dadku Khaladaad galaan inta Salaadda lagu jiro.

WakiilkaWasaaradda Arrimaha Diinta Cabdullahi Al-Huweymal ayaa cadeeyay in Mashruucan Qalabyada loogu xirayo Masajidada uu yahay mid tijaabo ah , si loo arko illaa iyo heerka ay suurtagal tahay in Tiknoloojiyadan cusub ay Dadkoo dhami u gaadho.

Waxaa kale oo uu xusay in Qalabkan laga ogaanayo sida ay Dadka Tukanayo u aqbali karaan ulana fal gali karaan Qalabka.

Al-Huweymal ayaa tilmaamay in Mashruucan ay ku jiraan Barnaamjiyo dhamaystiran oo lagu soo bandhigayo Xogta Masaajidda, iyo Dadka ka howl-gala sida Imaamyada, kuwa Adimayo iyo dhaq-dhaqaaqyada Faafinta Diinta iyo Aqoonteeda oo Masaajidyada gudahooda laga sameeyo.

Dhinacyo badan oo ay ku jiraan Wasaaradda Arrimaha Diinta, Qaybaheeda kale, Xafiisyada Dacwada iyo Hanuuninta ee la shaqeeya ayaa dhamaantood ka faa’ideystay Masharuucan Elektroniga ah ee loogu magac daray TID.

Wariye:- Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com
Hargaysa/somaliland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *