BREAKING NEWS
Search

Marxuum Ganacsade Maxamed Cumar Saajin Oo Ka Mid Noqday Dadkii Ku Geeriyootay Shilkii Xajka

Makka (Foore) – Alle Ha Unaxariistee Maxamed Cumar Saajin oo ka mid ahaa Ganacsatada bakhaarada ku leh Magaalo ganacsiyeedda Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley ee Galbeedka Somaliland ayaa ka mid noqday Xujaajtii reer Somaliland ee ku geeriyootay shilkii uu keenay wiishkii ay dabayluhu ku soo rideen Xujaajta ee Dhimashada iyo dhaawaca badan sababay.
Sida ay noo xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Ganacsatada Wajaale bakhaarada ku leh oo aanu wax ka waydiinay Alle Ha Unaxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saajin ayaa noo xaqiijiyey inuu ka mid ahaa ganacsatada Dharka soo waaridi jirtay ee Bakhaarada ku lahayd Magaalo Ganacsiyeedda Wajaale,Waxa ay noo sheegeen oo uu ka mid ahaa Xujaajtii reer Somaliland ee ugu hor tagtay Xajka,waxaanu ku naf waayay shilkii todobaadkan ka dhacay Xaramka,oo la sheegay inuu ku soo dhacay Wiish dhisme ka waday Xayndaabka Xajka kadib markii uu halkaasi ka da’ay roob dabaylo wato oo sababay soo dhicida Wiishkaasi Geerida dadka badan galaaftay.
Alle Ha Unaxariistee,Maxamed Cumar Saajin ayaa waxa da’diisa lanoogu sheegay 29-jir iIlaa 30 Sanno Jir,waxaanu deganaa isla Magaalada Wajaale oo uu ganacsigiisu ka dhisnaa,sida ay noo xaqiijiyeen Asxaabtiisu,waxa uu ifka kaga tagay carruur iyo xaas. Waxa uu sawiraddan muujinaya Ku sugnaanshiyaha Xajka ee aan warkan ku isticmaalay uu soo dhigay Marxuuumku halka uu Marxuumku ku lahaa Barta Facebookga ee uu bulshada kala xidhiidhi jiray, waxaanu iska qaaday Sawiraddan inyar ka hor intaanu galin shilkani uu ku geeriyooday. Sida ay baahisay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dawlada Sucuudigu,tirada dhimashada Xujaajta shilkaasi ayaa kor u sii dhaafaysa ilaa 107 Qof halka dhaawucuna uu sii caga cagaynayo 237 Ruux,sida war bixin wasaaraddu soo saartay lagu sheegay waxa sii kordhaya dadka dhaawac dhimanaya maadaama oo ay halis ku jiraan oo ay shilkaasi dad badani si xun ugu waxyeeloobeen. Dhamaan Bahda Wargeyska Madax Bannaan ee Foore iyo shaqaalaha Shabakaduba waxay Tacsi u dirayaan Marxuumkan, waxaananu ka tacsiyadaynayaan Ehaladiisii,Asxaabtiisii iyo Dhamaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay. Illaahay Samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo,isagana JANADIISA Firdawsa Raxmaanku ha ugu deeqo. Aaamiin Aaamiin!!.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *