Search

Marwadii Hore Ee Qaranka Huda Barkhad Oo La Sheegay In Ay U Banbaxday Mucaaridnimo Ay Kaga Dhex Muuqato Xisbiga WADDANI

Ma Dhabbaa In Marwo Huda Ahayd Maskaxdii Ka Dambaysay In Ay Saygeeda Ku Dhawayso Xisibga Mucaaridka Ah Ee WADDANI?

Hargeysa (Foore)- Marwadii Hore ee qaranka Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan ayaa calanka u sidda, sida ilo-wareedyo Foore helay xaqiijinayaan xidhiidh hoose oo la sheegay in uu wali u socdo Hogaamiyihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Kaadiriinta xisbiga WADDANI iyada oo Marwadu ka shaqaynayso sidii ay iyada iyo xaajigeeduba taageero mug leh isula barbar taagi lahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Warar xog ogaal ah oo ka ag dhaw xidhiidhada dhex maraya WADDANI iyo qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa isa soo tarayay maalmihii ugu dambeeyey tan iyo markii kulanka casuumadda ah xisbiga WADDANI u fidiyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyada oo xogihii ugu dambeeyey sheegayaan in dhaqdhaqaaqyadaasi xataa ay qayb ka yihiin odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo qoyska Madaxweynihii hore ugu baaqay in ay taageero macnawi ah isla barbar taagaan xisbiga WADDANI maadaama kaadirka xisbiga WADDANI intooda badani ka mid ahaayeen raggii taageeri jiray ama kaba mid ahaa xisbigii burburay ee UDUB.
Marwo Huda Barkhad Aadan oo markii ay qasriga Madaxtooyada fadhidayba lagu tilmaami jiray shakhsiyad ku firfircoonayd arrimaha siyaasadda ayaa la sheegay in ay iyadu ka badheedhay taageerada xisbiga WADDANI, xaajigeedana ku riixayso sidii uu rasmi ahaan xisbigaasi taladiisa ula garab joogsan lahaa balse uu wali taasi ka maagayo Daahir Rayaale, Madaxweynihii hore isaga oo dhawaan sheegay in uu xisbiyada dhex u noqon doono. Marwo Huda Barkhad Aadan oo si weyn ula jaan qaadday Bah-weynta haweenka xisbiga WADDANI ayaa la sheegay in ay maalmihii ugu dambaysay ku hawlanayd sidii ay uga dhex muuqdan lahayd xisbiga WADDANI oo ay dhexda ugu xidhan lahayd taageero hagar la’aan ah oo ay la barbar joogsato xisbigaasi WADDANI.
Marwo Huda ayaa ahayd shakhsiyad ay si weyn u ficiltamaan Bahdii xaawalayda xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaridka uu ahaa ee ay iyana qasriga ku sugnayd taasi oo keenaysa in ay wakhtigan iyana door siyaasadeed oo mucaaridnimo ah ugu xuub siibato kadib sannado badan oo ay dalka dibaddiisa ku maqnayd.
Si kastaba ha ahaatee waxaan la xaqiijin Karin halka ay ku dhammaan doonto ama sida ay isu qaban doonto dardarta Mucaaridnimo ee Marwo Huda Barkhad iyo dhexdhexaadnimada uu Mudane Rayaale kaga baanay casuumaddii WADDANI u qabtay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *