Search

Markii Ugu Horraysay Oo La Shaaciyey Soomaali Ka Qayb Qaadanaysa Dagaalka Yemen Oo Qaarkood La Laayey

Sanca (Foore/W.Wararka)- Kadib in muddo ah oo la hadal hayay in dalka Yemen loo daabulay Soomaali la rabo in ay ka barbar dagaalamaan dawladda Taagta daran ee wadanka Yemen oo ay badhitaaraan dawladaha Khaliijka Carabtu ayaa waxa si rasmi ah loo shaaciyey muuqaalada Maleeshiyaad Soomaaliya ah oo qaarkood lagu laayey dagaaladii ugu dambeeyey ee dalkaasi Yemen ka dhacaya iyo waliba kuwo kale oo dagaalka ka qayb qaadanaya.
Dagaalyahano Soomaali ah oo ka bar bar dagaalamay maleeshiyaadka Sunniyinta ee Dagaalka kula jiira Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu dilay dagaalo xooggan oo ka dhacay Magaalada Cadan ee dalka Yaman iyo Deegaano kale oo dalkaasi katirsan maalmihii ugu dambeeyey. Warbaahinta ay adeegsadaan Kooxda Sunniyiinta Yaman ayaa lagu soo bandhigay Magacyada iyo Sawirada laba Dagaalyahan oo Soomaali ah oo katirsanaa kooxaha dagaalka kula jiray maleeshiyaadka Xuutiyiinta kuwaa oo dagaal lagu dilay. Xasan Axmed Weyrax oo ah dagaalyahan Soomaali ah ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Magaalada Cadan , ninkaasi oo la sheegay in uu hore uga mid ahaa Soomaalida kunool Magaaladaasi Cadan, isagoo goobo ganacsi ku lahaa Cadan sidaana kaga mid noqday kooxo Soomaali ah oo badankoodu dalka Soomaaliya laga soo daabulay si ay dagaalka Yemen u taageeraan xukuumadda Cabdurabbu Mansuur Haadi. Dagaalyahan kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Dhagadheere ayaa isna lagu dilay dagaal culus oo uu la galay kooxda Xuutiyiinta ah ee xoogga ku heesata qeybo kamid ah Dalka Yaman, waxaana dagaalyahankani uu ku dhintay dagaal ka dhacay xaafadda Almucallah ee Magaalada Cadan. Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa ku biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ah , waxaana dhalinyaradan badankooda ay ka bar bar dagaalamaan kooxo Suniyiin ah oo dagaal kula jira kooxda Xuutiyiinta shiicada ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *