BREAKING NEWS
Search

“Markaanu Aragnay In Damacayagii & Rabitaankayagii Lagu Horjoogsanayo Jujuub Iyo Qasab Ayaan Qaadacnay”

Hargeysa (Foore) – Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shalay goobtii ay kaga dhawaaqeen inay qaadaceen Shirweynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye isaga iyo labada Musharax ee kale,waxa uu ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga warbixiyay marxaladii kala duwanaa ee Muranka Xisbiga kulmiye ka dhex aloosani soo maray,waxa uu sheegay in Tartankii Gudoominimada Xisbiga Kulmiye 2014-kii Madaxweynuhu ka reebay,tana aanu ka yeelanayn in isaga oo joogay qofkii uun lagu dul cumaamado,waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisa inaanu shirkaasi ka qayb galayn,kulmiyena laga leexiyay jidkii fiicnaa ee dimuqraadiyada iyo wada lahaashiyaha ku dhisnaa.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isagoo shacabka u sheegaya go’aanka uu ka qaatay shirweynaha Golaha dhexe ee Khilaafku hadheeyay waxa uu yidhi“Waxaanu jecelnahay inaanu si walaaltinimo ugu soo gudbino go’aankayaga iyo taladayada ku saabsan shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,ee loo qoondeeyay 10 bishan November inuu ka dhaco Huteel Maansoor,oo sidaa la socotaanba in muddo ah uu muran ka taagnaa,oo murashaxiintayada ku tartamaysay jagada Madaxweyne,Madaxweyne ku xigeen,iyo gudoomiyaha Golaha Dhexe aanu jeclayn illaa imikana aanu jecelnahay in la helo Garoon lagu tartami karo oo saaxiibtinimo oo walaalnimo, Kalsooni qof waliba uu isku qabo,oo uu galeha dhexe Calafkiisa ka qaado,oo uu ku tartamo,Ragga halkaasi ka soo baxa ee Murashnimada Jagooyinkaasi ku guulaysta,Iyadoo gacmaha la is haysto la wada dhiso,oo la isgarab taago,Tartanka Xisbiga kulmiye Gudihiisa yaalaa wuu fudud yahay ee kii ka weynaa ee Umadda Codka laga doonayay ayaa ka dambeeyay oo sugaya,in qofka soo baxa la wada dhiso ayay taladayadu ahayd,oo aanu u ordaynay”.
Waxa kale oo uu yidhi“illaa maalintii xisbigaasi la aasaasay iyo illaa maanta Laf dhabar ayaanu ka ahayn goobo badan oo xisbiga Kulmiye ku soo guulaystay iyo duruufo adag oo uu soo marayna dadkii geed gaaban iyo geed dheerba u soo hoos joogay ayaanu ahayn,waxaanu maanta qarinaynaa Madaxweynaha Qaranka ee Talada Dalka hayaa Kursigaa maanta ay ku fadhiyaan isaga iyo Madaxweyne ku xigeenku Labadooda oo keli ah may keenin ee Raggii la keenay ayaanu ka mid ahayn,ee aanay kuraastaasi heleen ama aanay ku guulaysteen haddii aanay Umadda Somaliland iyo dadkii aanu ka midka ahayn la soo halgamin,waxa nasiib darro ah in qof walba meel lagaga tagay ama uu meel kaga hadhay tareenkaasi socda,shirkaasi Xisbiga ee Maanta socda ee Murashaxii Madaxweyne,Madaxweyne ku xigeen iyo gudoomiyihii goleha dhexaba lagu dooran lahaa dadkii tartankaa diyaarka u ahaa,muddo dheerna u soo halgamayay ayaanu ahayn,Calafkayaga inaanu ka qaadno,Nasiibkayaga inaanu ka qaadno,haddaanu ku guulaysano Alxamdulilaah hadaanu ku guulaysan waynana cida kale ee ku guulaysata inaanu dhisno anaga oo Gacmaha ishaysana ayaanu diyaar u ahayn,Nasiib daro way suurta gali wayday taasi”.
Waxa uu ka hadlay sidii uu Madaxweyne Siilaanyo uga reebay Tartankii Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye 2014-kii waxaanu yidhi“Gudoomiyaha Xisbiga 2014-kii halagu tartamo ayaa la yidhi way suurta gali wayday,Madaxweynuhu isaga ayaa lugaha iyo gacmahaba naqabtay oo inaan ku tartan noo diiday,Tana marlabaa Nasiib daro,Madaxweynihii Somaliland iyo Madaxtooyadu,iyaga ayaa raggayagii walaalaha ahaa ee aanu damaca wada lahayn ee aanu si walaaltinimo u tartami lahayn iyaga ayaa Shaqsi u afduubay Xisbigii,iyadoo Afduubkaasi aanu u aragno in kuwaasi loo afduubayna ay wax yeelayso,Madaxtooyadda Iyo Xukuumaddana Wax yeelayso,Anagu runtii waxaanu maanta go’aansanay,markaanu aragnay inaan la isku joojinayn,Markaanu aragnay inaan talo lakala qaadanayn,Markaanu aragnay inaan la isku baahnayn,Markaanu aragnay in la leeyahay dadka Murashaxiinta ahi codba uma baahnee sidii la doono ayaa hadhaw loo soo saari karayaa la leeyahay,Markaanu aragnay Damacayagii iyo rabitaankayagii lagu horjoogsanayo Jujuub iyo Qasab waxaanu go’aansanay inaanaan ka qayb galin Kulanka ka dhici doona Huteelka Maansoor 10-ka November,waxaanu isku daynay in shirkaasi la qurxiyo oo la isku joojiyo oo wada tashi iyo walaaltinimo wax ku dhacaan,Nasiib daro way suurta gali wayday,aad iyo aad ayaanu uga xunahay”.
Waxa uu sheegay inaanay cidna xumaan u ahayn laakiin taladu ka hoostay, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Anaga Xisbiga Kulmiye waa xisbigayagii ,waa dad kayagii anagu xumaan uma hayno ,anagu shaqsi gaar ah Xumaan uma hayno,waxaanu se arkaynaa in taladu dad badan ka hoostay,waxaan xasuusanahay madaxweynaha talada dalka haya wakhtigii uu gudoomiyaha ahaa haddii shaqsi naga cadhoodo,Walaahi illaa aanu soo ladqabayno oo aanu keeno inaan shir la gali jirin,maanta intii Xukuumaddaa jirta dhalisay ee Wasiiro lahayd ee Gole dhexe lahayd,ee Gudi fulin lahayd,ee hogaankii Baarlamaanka leh,ee Hogaankii Xisbiga leh ee Gudidii fulinta ee Xisbiga Aqlabiyadiisii leh,iyo raggii ka mid ahaa shantii nin ee diwaan galiyay Xisbiga Kulmiye ayaa maanta halkaasi ka hadlaya,Walaalkay Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka mid ah,Ragga maanta Xisbiga aanu isku haynaa way nooga dambeeyeen Xisbiga wakhtiga ay soo galeen,ka sheegan maynee, Tartan aanu wada galno ayaa nalaga diidan yahay,taasina runtii waxaanu u aragnaa inay mid qaldan tahay”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi “waxa naga go’aan ah,inaanaan ka qayb galin Kulanka 10-ka November loo qoondeeyay anaga oo Murashaxiintii ah,Taageerayaashayadii Golaha dhexe ahaa oo Aqlabiyad ah,Gudidii fulinta oo aqlabiyad ah,Hogaankii Xisbiga oo Talyanle iyo Waabeeye ah,shirguddoonkii Golaha wakiiladda,intuba hawsha way nagula socdaan,waxaa nagula socda Xubnihii ugu firfircoon ee xukuumaddan soo gaadhsiiyay halka ay maanta joogto,si nadiif ah ayaanu umaddayada ugu sheegayaan in waddadii saxda ahayd laga leexday,waxaana la arki doonaa in sifudud lookala dhaqaaqo, Anagu runtii Kulmiye ayaanu lexejeclo ka leenahay,Qaranka ayaanu lexejeclo ka leenahay,Xukuumaddii aanu soo dhisanay ayaanu lexejeclo ka leenahay,Umadda reer Somaliland ayaanu lexejeclo ka leenahay,u quudhi mayno wax xumaan ah,shirkaana tagi mayno,horena waanu u sheegnay”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlayay shirkaasi shalay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *