Search

“Marka Aan Leeyahay Han Madaxweyne Ayaa Igu Jira, Maaha Inaan Cid Caayayo, Maaha Inaan Cid Cadaw U Nahay, Waa Doonis Qof”

“Hamblyo Ayaan Leeyahay Cidda Iga Badisa, Waanaynu Dhisaynaa, Haddaan Badiyana Sidaasi Ayaan Rabaa In La Iga Yeelo”…C/C.Samaale
Hargeysa (Foore) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa dar dar culus oo siyaasadeed oo ku aadan Ololaha uu ugu jiro Loolan Murashaxnimada Madaxweynaha xisbiga kulmiye ee Siilaanyo dabadii Maalmihii u dambeeyay ka wada magaalada Hargeysa,waxaanu Maalinimadii Doraad Casuumad la isku arkay oo isxog waraysi ah ku qaabilay Qaar ka tirsan Qurbajoogta Beelaha Sacad Muuse oo kala yimid daafaha Dunida kuwaasi si weyn ula socday dhaq dhaqaaqiisa siyaasadeed shanbtii sanadood ee u dambeeyay iyo guulaha la taaban karo ee uu ku talaabsaday intii uu Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda hayay. Wasiirkii hore Wasaarada Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Casuumadan Afurka ah oo la isku arkay waxa uu Doraad ugu sameeyay Huteel maansoor ee Magaalada Hargeysa qaar ka tirsan Qurbajoogta Beelaha Sacad Muuse gaar ahaa Gabiley oo ka soo guryo noqday Wadamo badan oo ka tirsan Qaaradaha Aduunka,waxaana kulankaasi la isku waydaarsaday xog Waran siyaasadeed iyo talo miid ah oo wasiirkii hore ee Maaliyada loo xambaarshay,iyagoo Qurba joogto u balan qaaday inay hiil la garab istaagayaan damiciisa siyaasiga ah ee uu ugu jiro kursiga dalka looga arimiyo iyo Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Afurkaasi kadib waxa uu Qurbajoogtii iyo aqoonyahankii kale ee Casuumadaasi ka soo qayb galay uu u jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aadan loolanka uu ugu jiro Tartanka Murashaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye,waxaana hadaladiisa ka mid aha sidan “Hankaasi ayaan leeyahay,Nasiibkeena ayaynu ka qaadaynaa,Haddii la iga badiyo “Congratulation” Hablyo ayaan leeyahay Cida iga badisa,waanaynu dhisaynaa,Hadaan badiyana sidaasi ayaan rabaa in la iga yeelo,taa niyada galiya,waa tartan Xalaal ah oo aan ceeb ahayn,oo aynaan cidna ku xumaynayn,kubada waa lakala badiyaa saw maaha, Siyaasaddu waa kubbad uun, qof waliba waxa uu isla hayo ayaa runtii loo baahan yahay,taana dhegihiino waxa laga yaabaa inay hore u maqleene hadana ku sii xoojiya, Marka aan leeyahay Han Madaxweyne ayaa igu jira,maaha inaan cid caayayo,maaha inaan Cid Cadaw u nahay, Waa Doonis qof kasta ku beeran oo inaad lahaato la doonayo,markaana inaad dadaalkeedii iyo ficilkeedii la timaado ayaa la doonayaa,Markaa Haddii ay Umadu inoo garatana waan soo dhawaynaynaa haddii cid kale la inaga door bidana waa Ahlan Wasahlan,waanan hambalyaynaynaa” ayuu yidhi Wasiirkii Hore ee Maaliyaddu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *