Mark Bowden Oo Dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in Munaasibada Ciidul Fidriga Aawadeed Inay U Gargaara Dadka Baahan

 Nayroobi ( Foorenews)- Madaxa iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa bulshada Soomaalida ugu baaqay in Munaasibada Ciidul Fidriga aawadeed ugu gargaara lana taageero kuwa baahan.

Madaxa Hay’ada Biniaadanimada ee Soomaaliya Mr. Mark Bowden waxa uu sidaasi ku sheegay Qoraal war Muriyeed ah oo kooban oo uu ka soo saaray Magaalada Nayroobi, isaga oo dhamays Tirana waxa uu u dhiganaa siadan:-


“Waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, ugu hambalyeynayaa Ciiddul-Fitriga soo galey, oo loo dabaal-dego dhammaadka bisha Ramadaan. Bishaan oo ah waqti cibaado iyo fikir dib isugu noqosho ah, ayaa bulshooyinka ku dhaqan guud ahaan Soomaaliya ay isu wada yimaadeen si ay waxa ay haystaan ula wadaagaan kuwa aan wax badan haysan.

Adinka iyo qoysaskiina farxad ku ciida, Soomaaliyana nabad iyo barwaaqo Allaha siiyo.” Ayuu yidhi Mark Bowden.

Foorenews/HargeysaOffice

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *