Search

Mareeyihii Hore Ee Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanu Ka Bixin Xisbiga Kulmiye

Berbera (Foore) – Maariyihii Hore ee Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) ayaa shaaca ka qaaday inuu ka sii mid yahay Xisbiga Kulmiye oo aanu ka bixin,waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo Xisbigaasi iyo Musharaxiisa,Waxaanu ugu baaqay Taageerayaashiisa inay isku diyaariyaan Doorashada Fooda inagu soo haysa, oo ay codkooda siiyaan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.
Eng Cali Cumar Cabdi (Cali Xoor Xoor) ayaa sidan ka sheegay maruu shalay galinkii dambe kala qaybgalay Munaasibad culus oo Gudida Ololaha Xisbigaasi ee Gobolka Saaxil ku soo dhawaysay Magaaladda Berbera,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Maanta waynu ognahay oo Doorashadii way soo dhawaatay,inagu waxaynu ahayn Kulmiye,Halkii ayaynu ka wadaynaa,Madaxweyne Cusub ayaa imanaya,Muuse Biixi ayaa imaya,Hiil iyo Hooba waan isla barbar taaganahay,intaas waxaan ku darayaa ,haddii Alle yidhaahdo maalinta Foodku waa maalin hawl badan,aad iyo aad ayay u hawl badan tahay Maalintaasi,Waxaad Culayska Saartaan Sidii aad u footayn lahaydeen,dad badan oo Hargeysa ka imanaya ayaa Halkan ama magaaladan Hargeysa imanaya,dadkaasi waad soo dhawaynaysaan, waxa weeyaan inaanu Foodku inaga habsaamin ayaad isku dayaysaan”.
Waxa bishii ugu dambaysay suuqa siyaasada Somaliland la soo galiyay inaanu Eng Cali Xoor Xoor la dhacsanayn hanaanka geedi socod ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana uu ku biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,waxaana wararkaasi dhawr jeer lagu baahiyay warbaahingta Dalka iyadoo waliba wararkaasi qaar oo hoos loogu daandagay la sheegay inuu daaha dabadiisa ka hagayay taageerayaal hor leh oo hore ugu biiray Xisbiga Mucaarid ah ee Waddani balse waxa uu hadda dhayda ka cadeeyay inaanu marnaba niyada galin inuu ka baxo Xisbiga Kulmiye islamarkaana uu ku han waynahay inuu Doorkan mar kale Kulmiye Talada Dalka ku guulaysanayo.
Wasiirkii hore ee Amniga Somaliland,Hadana ah Gudoomiyaha Gudida Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Cabdilaahi Abokor ayaa shalay ka soo agmuuqday Munaasibada iyo Halka uu ka hadlayay Eng Cali Xoor Xoor,waxaana muuqata in Cabdilaahi Abokor oo Gobolkaasi ka caan ahi uu hadda adeegsanayo Waayo Aragnimo guun ah iyo khidado kale oo siyaasadeed oo ay hor dhac u tahay inuu shalay ka hadashiiyo Eng Xoor Xoor oo uu maalmahan ka war warasanaa Xisbiga Kulmiye lana sheegay in uu u ruqaansanayay dhinaca mucaaradka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *