Search

Maraykanka Oo Qarxiyey Sirta Laba Waddan Oo Carbeed Oo Khariidadda Adduunka Ka Tirmaya

Washington (Foore/AFP)- Taliyihii Hore ee Sirdoonka Dalka Maraykanka Jenaraal Michel Hiden ayaa daboolka ka qaaday xog culus oo ku aaddan laba waddan oo Carbeed oo miisaan culus ku lahaa dunida oo maata noqday kuwo ka masaxmaya khariidadda caalamka kadib isaga oo masuulkaasi sheegay in dalkiisa Maraykanku sameeyey wax kasta oo labadaasi dal lagu badbaadin karayey balse maanta xaajadu dhabaqday oo la gaadhay wakhtigii labadaasi dal gabi ahaanba laga waayayey khariidda caalamka.
Michel Hayden ayaa ku af gobaadsaday in aan Maraykanka iyo saaxiibadii lagu eedayn Karin in labadan dal oo kala ah Ciraaq iyo Suuriya iyagu masuul ka yihiin burburkooda balse eedayntaasi isaga leexiyey kooxaha Islaamiyiinta ah ee labadan wadan ka dagaalamaa in ay yihiin kuwa godka ku hubsaday dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Sida ay ku warramayso Wakaaladda Wararka ee AFP oo arrinkan wax ka qortay, waxa ay ahayd arrin lama filaan ah oo dad badani ka yaabeen markii masuulkan sare ku tiraabay in labada waddan ee Ciraaq iyo Suuriya noqdeen kuwo soo gaadhay in gabi ahaanba maabka adduunka laga waayo. “Kooxaha Xag-jirka ah ee ka dagaalama labadaasi waddan ee Carbeed waa kuwo muujiyey in ay horseed ka noqdaan in labadan waddan la is waydiin doono oo ay noqon doonaan taariikh la iska waraysto jiritaankooda. Waxa ay gabi ahaanba noqonayaan kuwo baaba’ay. Maraykanku wax walba way sameeyeen oo lagu badbaadin karayey labadan waddan oo taariikh weyn iyo miisaan lahaa balse nasiib darro waxa ay noqdeen laba waddan oo dumay adduunkana ka tirmay” sidaa waxa yidhi Michel Hayden oo warbixin arrinkan ku saabsan ka jeediyey machadka istaraatiijiyadda dibadda ee Maraykanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *