Search

Maraykanka Oo Ka Arrinsanaya Jiir Faro Baas Ku Haya Shacabka Magaalada New York Goobo Dhana Looga Qaxay

Maamulka Heer Gobol iyo heer qaran ee dalka Maraykanka ayaa shir isugu imanaya toddobaadkan kaasi oo lagaga arrinsan doono sidii dalkaasi ula tacaali lahaa Jiir faro baas in muddo ahba ku haya Magaalada Caanka ah ee New York kaasi oo soo gaadhay wakhtigan heer gabi ahaanba goobaha qaarkood jiirkaasi looga qaxo.
Sida uu fiidnimadii Jimcihii baahiyey telefishanka Afka Carabiga ku baxa ee Al-Carabiya, magaalada New York ayaa galaysa marxalad cusub oo ku aaddan la dagaalanka ay kula jirto Jiir malaayiin iyo malaayiin ah oo 10-kii sanadood ee ugu dambeeyey dalkaasi si weyn ugu tarmaya kaasi oo soo gaadhay heer uu gabi ahaanba qabsado goobo dhan ama looga yaaco iyada oo maamulka Magaalada New York soo abaabuleen kulan weyn oo dalkaasi kaga arrinsanayo dhibaatada Jiirku ku hayo magaaladaasi oo loo aqoonsaday mid deegaan iyada oo khubarada caafimaadka ee magaaladaasi ka dayriyeen cuduro iyo dhibaatooyin uu Jiirkaasi ku hayo shacabka ku nool magaaladaasi.
Warbixintan Telefishankani ka diyaariyey arrinkan layaabka leh ayaa tibaaxaysa in koox baadhitaan ku samaysay dhibaatada Jiirku ku hayo magaalada New York ay soo bandhigeen xogo ballaadhan oo la xidhiidha sida Jiirkani ugu tarmay deegaankaasi, goobaha uu ugu jecel yahay in uu ku noolaado iyo qaabka layaabka leh ee uu maalinba maalinta ka dambaysa u tarmayo ee uu sida xadh dhaafka ah goob walba u buuxinayo. Telefishanku waxa uu sheegay in goobaha ugu badan ee jiirku sida weyn ugu tarmay ay ka mid yihiin hareeraha Waddooyinka, Goobaha Godan, Jidadka tareenada gaar ahaan tareenada dhulka hoostiisa mara iyo goobaha Ganacsiga sida Makhaasiinta iyo bakhaarada agabka ganacsi lagu keydiyo. Masuul u hadlay Waaxda caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa Telefishanka u sheegay in Jiirka dhibaatada ku haya magaalada New York uu wakhtigan si weyn u saameeyey guryaha dadku degan yahay oo khaati ka taagan jiirkan oo argagax ku haya ubadka iyo haweenka gaar ahaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *