Maraykanka Oo Dalkooda Ka Mastaafurinaya Nin Nabinnimo Sheegtay Dadkana Dil Ugu Hanjabay Haddii Ay Islaamka Qaadan Waayaan

Washington, October 19, 2017 (Foore)- Xukuumadda waddanka Maraykanka ayaa ugu dambayn go’aansatay in ay waddanka Sucuudiga dib ugu soo celiyaan oo dalkooda ka soo mastaafuriyaan Nin 24-jir ah oo Nabinnimo sheegtay, dad Maraykan ahna ugu hanjabay in uu layn doono haddii aanay degdeg u qaadan diinta Islaamka kaasi oo muddo gacanta ugu jiray ciidamada ammaanka ee dalkaasi Maraykanka.
Sida uu ku soo warramayo telefishanka CNN ee dalka Maraykanku oo wargeyska Foore arrintan ka soo xiganayo, wiil arday ah oo u dhashay waddanka Sucuudiga oo muddo ku sugnaa dalkaasi una tagay dalxiis ayaa ciidamada ammaanku waxa ay saxaafadda u xaqiijiyeen in maxkamadda Gobolka Georgia ee dalkaasi Maraykanku ay go’aan ku gaadhay in wiilkan oo magaciisa loo soo gaabiyey Khamiis J, laga mastaafuriyo dalkooda iyada oo wada shaqayn arrinkiisa lagala yeelanayo safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington kadib markii baadhitaan lagu sameeyey arrinkiisa lagu helay eedihii ay ciidamada ammaanku u soo jeediyeen.
Eedaha wiilkan lagu helay ayaa ah in uu sheegtay Nabinimo kadibna isaga oo ku sugan magaalada Atlanta uu goobaha faras magaalaha ah ee magaaladaasi inta uu shaaracyada istaagay dadka ugu hanjabay in ay qaataan diinta islaamka oo khasab ku muslimaan haddii kalena uu layn doono isna uu yahay nin Nabi ah oo dacwadda faafinaya.
“Wiilkan oo da’diisu tahay 24-jir isaga oo muddo ku sugan dalka Maraykanka ayuu maalin maalmaha ka mid ah yimid goob laga dukaansado oo ku taalla Atlanta Georgia kadib waxa uu kor ugu dhawaaqayay hadallo uu ku sheeganayo in uu yahay Nabi, sidaa darteed uu dadka Maraykanka ah ugu baaqayo in ay qaataan diinta Islaamka haddii kale uu mid mid u dili doono. Waxa uu galay dukaan weyn waxaanu dadkii wax iibsanayay iyo kuwii shaqaalaha ahaaba u sheegay in uu yahay Nabi la soo diray dadkuna haddii ay Islaami waayaan uu layn doono sidaasi ayaa booliska lagu gaadhsiiyey oo lagu qabtay” sidaa waxa CNN u sheegay afhayeen booliska Maraykanka u hadlay.
Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Maraykanka ayaa sheegtay in ay dawladda kala shaqaynayso sidii wiilkan dhallinyarada ah dib loogu soo celin lahaa dalkiisa iyada oo baadhitaan caafimaad lagu samayn doono caafimaadkiisa maadaama ehelkiisu ku doodayaan in uu xanuun madaxa ahi ku soo booday balse aanay iyagu xaqiijin Karin arrinkaasi.
Ma aha markii ugu horraysay ee xaalad noocan oo kale ah lagu arko muwaadiniin Sucuudiyaan ah oo dalkaasi Maraykanka ka sameeyey wax indhaha saxaafadda soo jiita iyada oo ay inta badan dhacaan arrimo la xidhiidha dad Sucuudiyaan ah oo dalkaasi Maraykanka ka dhex sameeya wax lala yaabo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *