BREAKING NEWS
Search

Manchester United Vs Manchester City, Chelsea Vs Westham United Iyo Kulamada Xiisaha Leh Ee Caawa La Ciyaarayo EFL Cup-ka

Usbuucyo fiican uma aysan aheyn midkoodna Manchester United ama Manchester City waxaana ay caawa isku wajahayaan wareega 16ka EFL Cup kulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonka Old Trafford.
United waxa ay guuldarro culus oo 4-0 ay ka soo gaardhay Axadii kooxda Chelsea halka City lagu qabtay barbaro 1-1 ah kulan ay gurigooda kula ciyaareen Southampton, waana kulankii shanaad oo isku xigta oo bilaa guul ay yihiin taasoo ka dhigeysa in labada kooxood ee Manchester inaysan ku jirin waqti fiican.
Si kastaba, weli xilli ciyaareedka waa bilow, guul ay ka gaaraan kulanka caawa ee Manchester Derby ayaa midkood labada kooxood wadada guusha ku soo celin karta.
Cadaadis waxa uu saaran yahay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola oo si weyn ugu baahan guulo, waxaana kooxdii badisa ay u soo gudbi doontaa wareega 8da EFL Cup.
Waxaa intaas sii dheer in labada kooxood durbaba xilli ciyaareedkan hore u kulmeen iyagoo kulan Premier League ah ku ciyaaray Old Trafford waxaana gacanta sarre heshay kooxda Manchester City oo ku badisay halkaas.
Manchester City waxaa ka maqnaan doona kulanka caawa xiddiga khadka dhexe Kevin de Bruyne oo dhaawac kubka ah uu soo gaaray. Sidoo kale waxaa ka maqan Pablo Zabaleta laakiin Vincent Kompany oo ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay horyaalka ee tan iyo bishii April sabtidii ayaa taam ah.
Manchester United iyagana waxaa ka maqan Eric Bailly iyo Marouane Fellaini kulanka caawa ee Old Trafford ka dhacaya.
Bailly ayaa dhaawac xun oo jilibka ah uu soo gaaray kulankii ay guuldarada 4-0 ka soo gaartay Chelsea Axadii maadaama laag uu ku dhuftay David Luiz.
Hadaba kulankan caawa oo aad loo wada sugayo ayaa waxa uu cadaadisku ku sii kordhun doonaa tababaraha laga badiyo maadaama labada kooxoodba maalmahan aanay ku jirin qaab ciyaareed fiican
Shaxdee Laga Filan Karaa Labada Kooxood In Ay Ku Soo Bilawdaan
Man United (4-2-3-1): De Gea; Shaw, Blind, Smalling, Darmain; Carrick, Pogba; Martial, Rooney, Mata, Ibrahimovic.
Man City (3-4-3): Bravo; Clichy, Otamendi, Stones; Silva, Gundogan, Fernandinho, Navas; Sterling, Ihaenacho, Noliyo.
Mourinho Vs Guardiola- Wax Ka Baro Is Barbardhiga Labadan Tababare Dhinaca Guulahooda
jose-mourinho-pep-guardiola_3475867
Jose Mourinho ayaa mar kale si fool ka fool ah uga horimaanaya Pep Guardiola caawa iyadoo cadaadis uu saaran yahay labada tababare.
Labada tababare ayaa dhowr jeer iska horyimid waxaana ka dhaxeeya xafiiltan aad u sareeya, laakiin kula caawa ee EFL Cup waxa ay uu muhiimad weyn u leetahay labada nin marka loo eego xaalada ay labada kooxood ku jiraan.
Markii ugu danbeysay ee ay labada tababare kulmeen, Guardiola ayaa ayaa gacanta sarre lahaa iyadoo City ay 2-1 ku badisay kulankii Old Trafford. Si kastaba, tababaraha reer Spain ayaa ku jira waqtigiisii ugu xumaa ee uu bilaa guul ahaa waayihiisa tababarenimo halka Mourinho uu raadinayo jawaabtii uu ka bixin lahaa guuldaradii 4-0 ee ka soo gaartay Chelsea.
Iyagoo isku diyaarinaya kulankooda caawa sida weyn loo sugayo, waxaan dib u eegeynaa rikoorkooda kulamadii ay iska horyimaadeen.
Mourinho iyo Guardiola waxa ay iska horyimaadeen 17 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana gacanta sarre leh Guardiola oo badiyay sideed kulan, halka Mourinho uu badiyay seddex kulan iyadoo lixda kulan kale ay barbaro galeen oo ay ku jirto kulankii Uefa Super Cup ee ku dhamaaday barbaro inkastoo Pep Guardiola ay guusha rigoore ku raacday.
Kooxdii Guardiola ee Barcelona v Kooxdii Mourinho ee Inter Milan
Afar kulan ayay iska horyimaadeen: 2 kulan Guardiola ayaa badiyay, 1 kulan barbaro, Mourinho 1 kulan ayuu badiyay.
Kooxdii Guardiola ee Barcelona v Kooxdii Mourinho ee Real Madrid
11 kulan ayay iska horyimaadeen: Guardiola ayaa shan kulan badiyay, afar kulan barbaro, 2 kulan Mourinho ayaa badiyay.
Kooxdii Guardiola ee Bayern Munich v Kooxdii Mourinho ee Chelsea
Hal kulan ayay iska horyimaadeen: Barbaro ayuu ku dhamaaday, laakiin Guardiola ayaa rigoore ku badiyay.
Kooxda Guardiola ee Man City v Kooxda Mourinho ee Man Utd
Hal kulan ayay ciyaareen: Halka kulan Guardiola ayaa badiyay.
Xafiiltankooda waxa uu ku sii xumaaday horyaalka La Liga markii ay kala joogeen Barcelona iyo Real Madrid, waxa ay horyaalka iska horyimaadeen afar kulan, labo ka mid ah waxaa badiyay Guardiola halka kulan uu badiyay Mourinho, kulanka kalena barbaro ayuu ku dhamaaday.
Laakiin Champions League ayaa ah koobka ay inta badan ku kulmeen waxaana ay ku kulmeen lix jeer iyadoo Pep Guardiola uu badiyay seddex kulan oo ka mid ah, halka Mourinho uu badiyay hal kulan.
Dhanka koobab, Pep Guardiola waxa uu 21 koobab ku soo qaaday Barcelona iyo Bayern Munich, halka Jose Mourinho uu 23 koob ku soo qaaday Portugal, England, Italy & Spain.
Koobka Mourinho & Guardiola
Guardiola
2 Champions Leagues
3 Club World Cups
3 La Ligas
3 Spanish Super Cup
3 UEFA Super Cup
2 Copa del Rey
3 Bundesliga
2 German Cup
1 La Liga
1 Copa del Rey
1 Spanish Super Cup
2 Portuguese Leagues
1 Portuguese Cup
1 Portuguese Super Cup
Wadar: 21
Mourinho
2 Champions League
1 UEFA Cup
3 Premier Leagues
1 FA Cup
3 League Cups
2 Community Shields
2 Community Shields
2 Serie A
1 Coppa Italia
1 Italian Super Cup
Wadar: 23
Dhinava Kale Iyana Waxaa Jira Kulamo Xiisaleh OoCaawa Dhacaya Sida Kan Chelsea Vs Westham
west-ham-united-vs-chelsea-match-preview-and-prediction-english-league-cup-26th-october-2016
Kooxda Chelsea ayaa kala dhantaashay Axadii kooxda Jose Mourinho ee Manchester United, inkastoo ay u safrayaan wadnaha bariga London si ay u wajahaan West Ham koobka League Cup wareegii 16ka, waxaa Chelsea niyadhis weyn u ah xaqiiqda ah inay durbaba xilli ciyaareedkan 2-1 ku garaaceen West Ham.
Kooxda West Ham ayaa iyadana kulankaan ciyaareysa iyagoo soo badiyay kulankoodii seddexaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana ay u tahay tijaabo adag kulanka caawa oo marti loogu yahay London Stadium, iyagoo isku dayi doona inay aargutaan guuldaradii Chelsea ka soo gaartay bilowgii xilli ciyaareedka.
Kabtanka Chelsea John Terry ayaa taam u ah inuu ciyaaro wareega 16ka ee EFL Cup ee ay kooxdiisa caawa martida u tahay West Ham ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah.
Daafaca Blues ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu horeysay tan iyo 11kii September laakiin daafaca Branislav Ivanovic iyo xiddiga khadka dhexe Cesc Fabregas ayaa weli dhaawacyo ku maqan.
Weeraryahanka West Ham Andre Ayew ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac bowdada ka soo gaaray kulankii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan.
kulanada jake ee caawa la ciyaarayo waxaa ka mid ah
Southhampton Vs Sunderland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *