BREAKING NEWS
Search

Magaalo Dhan Oo Maraykanka Ku Taalla Oo Gabigeedaba Lagu Iibinayo Qiimo U Dhigma Saddex Guri Oo Faras Magaalaha Hargeysa Ku Yaalla!

Magaalada Tiller ee ku taala gobolka Oregon ee dalka Maraykanka oo ku taalla deegaan aad u qurxoon bilic ahaan ayaa la shaaciyey in gabi ahaanba la xaraashayo, waxaana lagu iibinayaa lacag gaadhaysa 3.8 milyan oo doolar. Waana lacag u dhiganta qiimo ahaan inta ay ku fadhiyaan saddex guri oo meel dhexaad ah oo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa. Magaaladan oo ku taalla koonfurta Portland inteeda badan ma aha mid la deganyahay waxayna ku fadhidaa dhul cagaaran oo wabi maro oo gaadhaya 225 mayl. Balse waxa ka dhisan guryo iyo tukaamo kooban waana meel aad u qurux badan. Waxa la iibinayo waxa ku jira lix guri, dhismo dabaqyo ka kooban, kaalin shidaal iyo dukaamo waaweyn. ku dhowaad 250 qof ayaa ku nool tuuladan la xaraashayo oo dad badan soo jiidatay marka laga hadlayo deegaanka ay ku taallo ee aadak u bilixda san.
Dadkii deganaa magaalada ayaa bilaabay in ay isaga guuraan ka dib markii uu hoos u dhacay wax soosaarka geedka laga diyaariyo alwaaxda oo ahaa mid ay ka ganacsan jireen isla markaasna ay beeran jireen, sidoo kalana waxa albaabada loo laabay warshaddii ay ku farsamayn jireen alwaaxa, sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah dadka ka ganacsiga iibinta guryaha ka shaqeeya oo CNN la hadlayay.
Magaalada Tiller waxa markii hore la shaaciyey in la iibinayo sannadkii 2015-kii, balse wakhtigaa iyada ah laguma darin waxa la iibinayo iskuul qadiimi ah oo ku yaalla magaalada balse imika la xaqiijiyey in uu ka mid yahay dhismayaasha lagu iibinayo tuuladan oo qiimaheedu aad u hooseeyo.
Laba qof oo keliya ayaa haatan kunool magaaladaasi Tiller- waxayna kala yihiin macalin hawl-gab noqday iyo nin baaderi ah, waxaana la sheegay in aan la iibin doonin meelaha ay deganyihiin. Marka waxa la isweydiinayana maxay tahay sababta loo iibinayo magaaladani? Waliba qiimaha intan le’eg loogu iibinayaa.
Waxa la sheegayaa in uu jiro qoys iibsaday inta badan dhulkii ay deganaayeen dadka isaga guuray magaaladu, kadib markii uu aad u yaraaday suuqii alwaaxa isla markaasna ay hoos u dhacday lacagtii laga heli jiray dowladda federaalka Maraykanka. dadka sheegay in ay danaynayaan in ay iibsadaan magaaladaasi waxa ka mid ah dhowr maalgashoto oo ka soo jeeda dalka shiinaha, dad doonaya in ay halkaasi ka samaystaan xarumo caafimaad iyo dad doonaya in halkaasi ay ka samaystaan beero.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *