BREAKING NEWS
Search

Magaalada Kismaayo Oo Marwalba Oo Wafdi Imanayo Laga Jaro Isgaadhsiinta Iyo Wufuud Kusoo Fool Leh(Warbixin)

Kismaayo (Foore)-Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi ay ku soo wajahan yihiin Wufuud kala duwaan.

Wufuudan ayaa waxaa laga kala filaya Magaaloyinka Muqdisho iyo Nairobi waxaayna iskugu jiraan Xildhibaano,Aqonyahano iyo ganacsato kuwaas oo Magaalada Kismaayo uga qayb qaadan raba Munasabad Dabaal dag ah oo Magaalada Kismaayo manta ka dhacaysa.

Wafdiga Nairoobi ka imanaya ayaa waxaa ay iskugu jiraan Xubno ka socda Urur Goboleedka IGAD iyo Xubno Somali ah oo iskugu jira Ganacsato iyo Aqonyahano.

Wafdiyadaan ayaa waxaay saacadaha soo socda soo garayaan Garoonka Diyaaradaha ee Axmed Gureey International Airport ee Magaalada Kismaayo waxaana marki ay soo dagaan lo galbinayaa Xarunta Jamacada Kismaayo .

Amaanka Magaalada ayaa si weyn lo sugay waxaana goor dhaweyd Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu hawada ka saaray Isgarsiinta Magaalada Kismaayo waxaana lagu wada in Isgaarsinta ay dib hawada ugu soo laabato marki wufuudani ay si nabad ah ku kala dagaan goobihi loo diyaarshay.

Kamaal Ismail Adan
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *