Search

Madhabaa In Suldaan Mawliid Sabayse Garaacis Loogu Gaystay Xarunta Dambi Baadhista Hargeysa,Loona Dhaadhiciyay Jeelka Weyn.

Hargeysa(Foore) – Xukuumadda Somaliland ayaa Habeenimaddii ay Mawliid Cali Sabayse ka qabatay Guriga Salaadiinta Habar Awal ee Huteel Maansoor Agtiisa si toos ah u gaysay Jeelka Weyn ee Hargeysa oo la sheegay in illaa imika uu ku xidhan yahay oo aan wali Maxkamada la soo horjoojin.
Sida aanu ku helnay Illo-Wareedyo u dhuun daloola Aqalka Salaadiinta Habar Awal ee Magaalada Hargeysa ayaa noo xaqiijiyay in Xukuumadda habeenimadii ay Suldaan Mawliid Cali Sabayse Ciimada u soo dirtay ee ay ka kexeeyeen halkaasi ay si toos ah u geeyeen Xabsiga dhexe ee Hargeysa,waxaana la sheegay in habeenkaasi oo jimce ahaa oo aanay shaqaynayn Xafiisyada Maxkamaduhu ay Xukuumadda awood ku isticmaashay Suldaanka islamarkaana sifo sharciga baalmarsan u gaysay Suldaanka Jeelka iyadoon ka xalaalaysan Maxkamad sharci ah sida uu Sharciga dalka u dejisani dhigayo.
Warar kale oo Xalay naga soo gaadhay Suldaanka Xidhan ayaa intaa noogu daray in Suldan Mawliid Habeennimadii markii uu ku jiray Jeelka Aroornnimadii laga soo saaray,loona soo kaxeeyay Xarunta Dambi Baadhista ee C.I.D-da Hargeysa halkaasi oo uu ku jiray mudo kooban. Haddaba Maxaabiis Halkaasi ku xidhnayd oo arkayay markii Suldaanka C.I.D la keenay oo iyaga markii dambe la soo daayay ayaa noo sheegay in Suldaanka markii la keenay halkaasi ay jidh dil u gaysteen Ciidamo xoogan oo illaalinayay,kuwaasi oo ay sheegeen inay qaab wadareed ay iskugu tageen oo ay si xun u tubeen. Waxa ay intaa noogu dareen in Suldaanku isku dayay inuu isdifaaco balse waxa ay sheegeen in laga xoog batay oo loo isticmaalay qoriga dabiisa iyo budhadh ay ku gaashaanaayeen ciidankii ilaalada ahaa.
Waxa ay intaa noogu dareen inaanay garan Karin in Garaacistaasi Nabaro loogu gaystay iyo inkale balse markiiba waxa ay sheegeen in lageeyay Qol cidlo ah si aanay Maxaabiista kale u ogaan xaalada Suldaanku markaa galay.
Warar kale oo naga soo gaadhay guriga Salaaadiinta Habar Awal ayaa noo xaqiijiyay in Suldaanka la keenay Xarunta C.I.D aroornimada habeenimadii la xidhay balse islamarkiiba lagu celiya Xabsiga Dhexe ee Hargeysa oo uu illaa imika ku xidhan yahay islamarkaana aan wali ka hor keenin Maxkamada. Lama hayo Wali cid ku booqatay Jeelka sida ay noo xaqiijiyeen salaadiintii ay aadka iskugu dhawaayeen Suldan Sabayse,Xukuumadda ayaana u diiday inay Cidi ku booqato suldanka Jeelka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *