Search

“Madaxweynuhu Hore Ayuu Haamaha U Hoos Geeyay Wasaaradda Ganacsiga, Waanay U Banaan Tahay Inay Wareejiso”Garyaqaanka Guud Ibraahim Iidle.

Hargeysa (Foore) – Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Ibraahin Iidle Saleebaan ayaa ka hadlay Muranka Sharci ee Ka Aloosan Haamaha Shidaalka Berbera oo Xukuumaddu U Xusul Duuban Tahay Inay shirkado gaar loo leeyahay ku wareejiso,waxa uu Garyaqaanka Guud Xukuumadda Siilaanyo Taageero ugu muujiyay inay sharci u leedahay inay Cida ay doonto ku wareejiso isagoo sheegay in Haamaha Wareejintooda iyo farsamayntooda aan sharciyan lagala tashan karin Golaha Wakiilada Somaliland.
Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay inaanay hada xukuumadu diyaar u ahayn inay heshiis la gasho shirkadaha danaynaya inay la wareegaan maamulka haamaha shiidaalka Berbera. Sidoo kale garyaqaanka guud ee qaranka waxa uu ka hadlay heshiisyada dastuurku tilmaamayo ee la hor gaynayo Golaha Wakiilada iyo kuwa aan la hor gaynayn .
Ugu horayn garyaqaanka guud ee qaranka ayaa faah faahinaya muranka ka taagan wareejinta haamaha shiidaalka ee dhinaca sharciga waxaanu yidhi “Xukuumadu awood sharci maw leedahay inay gasho heshiisyo la xidhiidha wareejinta haamaha shiidaalka ee go,aanku ka soo baxay, maadama aanu go,aankaasi xukuumadu waajib ku ahayn way u banaan tahay xukuumada tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan iyo talaabo kasta oo ay ku maamulayso haamaha iyo wixii kale ee la mid ah maadaama oo aan jirin xeer iyo sharci ka mamnuucaya balse ay iyadu masuul ka tahay, hore ayaanu madaxweynuhu u soo saaray digreeto uu haamaha shiidaalka ku hoos geeyey wasaarada ganacsiga isla markaana meesha kaga saaray maamulkii iyo gacan ku hayntii shirkadii Total, ilaa maantana wasaarada ganacsiga ayaa gacanta ku haysa sidaas darteed way u banaan tahay.”ayuu yidhi garyaqaan Ibraahin Iidle Saleebaan oo la hadlay HCtV.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay heshiisyada dastuurku jideeyey in Golaha Wakiilada la hor geeyo iyo kuwa aanu jidayn ee aan la hor gayn Karin, waxaanu tilmaamay inaanay wali xukuumadu galin heshiis Golaha la hor gayn karo waxaanu yidhi “Haddii heshiis la galo in la gaynayo Golaha iyo inaan la gaynin waxay ku xidhan tahay dabeecada heshiiska waxaana jira heshiisyo uu dastuurku amray in la hor geeyo golaha wakiilada oo ay ansixin ku leeyihiin iyo heshiisyo aanay ku lahayn ansixin kuwa ay ansixinta ku leeyihiin waa kuwa dastuurku tilmaamay markaa haddii ay xukuumadu gasho heshiisyada uu dastuurku tilmaamayo sharciga waa la raacayaa waana la hor gaynayaa golaha wakiilada, haddii aanu dabeecadiisa lahayn kuwa uu dastuurku tilmaamayo ee golaha wakiilada la hor gaynayana waxay noqonaysaa mid yeesha fulin go,aanka ka soo baxa golaha wakiilada ee madaxweynuhu dib ugu celiyey ama uu ku war geliyey golaha inaanu ku dhaqan lahayn mana dabraayo hawlaha xukuumada.” ayuu yidhi Garyaqaanka Guud ee qaranka Somaliland Md. Ibraahin Iidle Saleebaan oo sheegay in xukuumaddu xaq u leedahay maamulidda haamaha shidaalka maadaama sharcigu u oggol yahay sida uu sheegay oo ay haamuhu hoos yimaaddaan wasaarad.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *