Madaxweynihii Hore Somaliya Sheekh Shariif Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Xaaladda Somaliya Kuna Tilmaamay Cunug Socod Barad Ah Madaxwaynaha Hadda Jooga.

AFP (Foore)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa waxa uu ka hadlay markii u horeysay arrimaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladiisa ay meel wanaagsan soo gaarsiisay xaaladda dalka hadana waxa uu sheegay in ay haysto dowlado fursado wanaagsan oo ay ka faa’ideysan karto.

Madaxweynihii dowladii KMG ahayd ayaa waxa uu sheegay in cunaqabteynta laga qaaday dowladda Soomaaliya iyo taageerada beesha Caalamka ay guul u tahay, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
Dowladii KMG ahayd ayaa ku guulaysatay ka bixitaankii nidaamka KMG ah iyo sidoo kale amaanka.dhankale wuxuu ku tilmaamay madaxwaynaha hadda jooga cunug socod barad ah.
Waa markii ugu horaysay ee madaxwaynahii somaliya ee sheikh shariif ka hadlo warbaahinta xili somaliya ay la baaxaadagayso qarax ismiidaamin ah.

Wariye kamaal Sh Ismail




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *